Xiddiga Arsenal ah oo ku Wargeliyey Mikel Arteta inuu Nacay u Ciyaarista Kooxdaas

0
865

Mikel Arteta ayaa helay xaqiiqo aanu jeclaysanin oo ah in mid ka mid  ah xiddigaha  kooxdiisu uu si badheedh ah ugu sheegay in aanu doonayn inuu sii xidhnaado garanka Arsenal inkasta oo uu kula jiro heshiis sannado soconaya.

Arsenal ayay ka tegi doonaan ciyaartooyo uu ka mid yahay Alexandre Lacazette oo uu qandaraaskiisu dhamaad yahay iyo da’yarka Eddie Nketiah oo isaguna aan wali saxeexin heshiis cusub, balse ay kooxdu ku dedaalayso inay ku qanciso inuu sii joogo.

Mikel Arteta ayaa qorshaynayay in difaaciisa uu ku xoojiyo laacibka reer France ee William Saliba oo amaah ugu maqan Marseille, isla markaana bandhig heersare ah sameeyey xilli ciyaareedkan 2021-22 oo uu ku kasbaday in looga yeedho xulka qaranka dalkaas.

William Saliba ayaa si cad ugu sheegay Arteta in aanu doonayn inuu kusoo laabto Emirates Stadium oo uu qorshihiisu yahay inuu sii joogo Marseille oo uu ka caawiyey inay usoo gudubto Champions League oo ay xilli ciyaareedka dambe ka  qayb-geli doonto.

Sabtidii ayuu la hadlay warbaahinta markii ay kooxdiisa Marseille guusha weyn gaadhay ee ay xaqiijisatay booskeeda Champions League, waxaanau yidhi: “Waxa aan doonayaa in aan soo laabto oo aan ciyaaro Champions League. Waligay ma ciyaarin Champions League, waxaanan doonayaa  in aan halkan (Marseille) u daahfurto.”

Arsenal ayaa xagaagii 2019 waxay William Saliba kasoo bixisay £27 milyan oo Gini oo ay kaga soo iibsatay Saint-Etienne waxaanay markiiba amaah ugu dirtay isla kooxdaas, waxaase markii uu kusoo laabtay Emirates Stadium la siiyey No.4 balse Mikel Arteta ayaa ka reebay liiska ciyaartoydiisa xilli ciyaareedkii 2020-21, taasina waxay keentay in bishii January amaah loogu diro Nice.

21 jirkan ayaa haddana xagaagii tegay waxa loo diray Marseille oo ah halka ay kubaddiisu ku noqotay mid qaan-gaadhay, iyadoo toddobaadkii horena loo magacaabay ciyaartoygii ugu fiicnaa horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 ee ay da’diisu ka hoosayso 21 jirka.

Leave a Reply