Xiddiga Weyn oo Isagu Shaqsiyan Saxeexiisa oo Weliba Bilaash ah Barcelona u Bandhigay

0
284

Barcelona oo dhinaceeda kaga jirta qorshayaasheeda suuqa xagaaga maadaama oo ay doonayso inay xilli ciyaareedka dambe koobab ku guuleysato si ka duwan xilli ciyaareekan ayaa helaysa dalabaad badan oo kala duwan.

Sida uu sheegayo wargeyska caanka ah ee Mundo Deportivo, garabka Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria ayaa saxeexiisa usoo bandhigay Barcelona.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Barca ay saxeexa Di Maria ka dhigatay qorshaha labaad sababtoo ah inay bartilmaameedka koowaad ka dhiganayaan Raphinha oo Leeds United ka tirsan.

Kaddib waayo ciyaareed oo koobab badan oo uu ku qaatay PSG, bixitaanka Angel ee Parc des Princes ayaa rasmi laga dhigay waxaana durba saf-dheer u galay kooxo badan oo inay bilaash kula wareegaan doonaya.

Di Maria ayaa noqon kara bedelka Camp Nou ee Ousmane Dembele oo heshiiskiisa Barca dhacayo isaga oo aan u muuqan mid wax heshiis kordhin ah samaynaya.

Mid kamida sababaha kale ee ay Barcelona uga warwareegyso saxeexa Di Maria ayaa ah da’diisa iyaga oo ka shakisan in 34 sano jirkaasi uu si joogto ah bandhigyo wanaagsan uga samayn karo Camp Nou.

Wararka ugu badan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay sheegayay in Di Maria uu wadahadalo meel wanaagsan maraya kula jiro Juventus oo heshiis hal sano ah ka doonaysa.

Leave a Reply