Somaliland iyo Taiwan oo kala Saxeexday Heshiis Macdaneed

0
204

Hargeysa (Dawan)  – Xukuumaddaha Somaliland iyo Taiwan   ayaa kala saxeexday heshiis lagu tirakoobayo xadiga macdanta iyo shidaalka ah ee ku jira Somaliland, in la dhiso bangi lagu kaydiyo macluumaadka macdanta iyo caawimooyin kale oo ay Taiwan ka siinayso Somaliland ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.

Heshiiskan oo uu dhinaca Taiwan u soo saxeexay wasiirka dhaqaalaha ee dalkaasi, ayaa wasiirka Tamarta iyo macdanta Somaliand  markii uu qalinka ku duugay  waxa uu nuqullada dhinaca Taiwan ku wareejiyey safiirka u joogga Somaliland Amb. Allen C. Lou.

Munaasibada heshiiska lagu saxeexay oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda tamarta iyo macdanta, waxa ka qaybgalay xubno kamida golaha wasiirrada iyo hay’addaha madaxbanaan ee xukuumadda Somaliland, wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shirre, Wasiirka cadaaladda,   Saleebaan Warsame Guuleed, Wasiirka dastuurka,   Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda   Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo gudoomiyaha Komishanka Korontada   Axmed Faarax Caddare iyo wefti ka socday wasaaradda arrimaha dibada ee Taiwan.

Wakiillka Somaliland ee Taiwan Maxamed Haggi, ayaa sidan ku sheegay war qoraal ah oo ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook.

Waxaanu yidhi.”Labada dowladood waxa ay ku heshiiyeen in la oggaado macdanta ku jirta Jamhuuriyadda Somaliland nooceeda, caddadkeeda, meelaha ay ku jirto iyo qiimaha ay lacag ahaan ku fadhido. In la inoo sameeyo bangi macluumaadka iyo xogta macdanta iyo tamarta aan ku kaydino oo casri ah ama digital ah”

Wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta  mudane Cabdillaahi Cabdi Faarax, ayaa faahfaahin ka bixiyay nuxurka heshiiskani.

Waxaanu yidhi.  “Shirkadda OPIC, ee laga leeyahay Jamhuuriyadda Taiwan, ayaa waax Somaliland ka furatay la yidhaahdo, PIC’Somaliland, faracna ka noqon doonta shirkadda CPC, taasi oo maalgashi shidaal la gashay Somaliland, iyada oo saami 49% ah ka iibsatay baloogyadii ay haysatay shirkadda GALEN, ee imika ka wada sahaminta ama qodista shidaalka, shirkadda hore ayaa maamulaysa, balse labada shirkadood waa ay kuwada jiraan.”

Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo xidhiidhka golayaasha mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid dhaqaale.

Waxaanu yidhi. “Arrintani labada waddanba dan ayay u tahay, oo adduunkana ay u muujinayso laba dal midna wax maalgashan karo si xor ah, midna la maalgashan karo, xidhiidhna yeelan kara, dunida qayb ka ah, waa arrin siyaasi ah, waa mid dhaqaale aadna muhiim u ah”

“Haddii maanta midha dhalkiii halkan lagu saxeexayo, aynu halkan ka sii bilaabaynana taasina waa ILLAAHEY mahadii, oo baahidii jirtay ee abaaraha isbaddel ku iman doono, oo tacliintii iyo caafimaadkii is badel ku iman doono, taasina degaanadeeni inala fahamsan yihiin, oo is badelka inala fahamsan yihiin”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland, mudane Saleebaan Warsame Guuleed.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay Somaliland ka caawiso sidii shaqaalaha wasaarada Macdanta Somaliland loo siin lahaa tababar la xidhiidha baadhista macdanta iyo in ay sidoo kale ka caawiso in la baro shuruucda lagu maamulo macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Somaliland loo fududeeyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo in la wajaho caqabadkasta oo ka hor imanaysa, iyo in kor loo qaado oo la taageero sidii  Somaliland uga faa’iidaysan lahayd macdanta iyo shidaalka.

Heshiiska waxaa kala saxeexday wasaarada arrimaha dhaqaalaha ee Taiwan iyo wasaarada Macdanta ee Somaliland.

 

Leave a Reply