Mudanayaasha Golaha Guurtida oo Dood ka yeesheen siyaasada arrimaha dibedda ee dalka iyo horumarinteeda

0
290

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay gudoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaashu waxa ay dood ka yeesheen siyaasada arrimaha dibedda ee dalka iyo horumarinteeda.

Mudanayaashi doodaasi ka qayb qaadanayay waxa ay si wada jira uga warameen iyo weftiyo ka kala socda guddi hoosaadyada arrimaha dibeda, baarlamaanka iyo xubno ka socda ururada rayidka ah loo diro dalalka caalamka, si ay hawlaha ictiraaf raadinta uga soo qayb galaan.

Sidoo kale waxa ay madaxweynaha ku boggaadiyeen safarkii uu ku tagay waddanka Maraykanka, oo keenay in xidhiidh dublamaasiyadeed ay la yeeshan dalal badan oo caalamka ah.

Waxa kale oo xildhibaanadu sheegeen in Baasaboorka Somaliland, lagu tagi karo dalal badan oo caalamka ah, baarlamaanka Somalilandna ay diyaar u yihiin wixii talo iyo tusaale  iyo toosinba ah, ee wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland uga baahato, iyaga oo talo ahaan u soo jeediyay in siyaasada arrimaha gudaha la kobciyo si siyaasada arrimaha dibedda ee waddanka loo horumariyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan ayaa ku taliyay in la iska daayo soo hadal qaadka magaca Soomaaliya.

Waxaanu yidhi. “Wada hadalkii ayaa ina jabiyay, yaan la soo qaadin, iyaguba ma jirtaan ayay ina yidhaahdaan waar inaguna ma jirtaan aynu nidhaahno oo hadal hayntooda iyo soo qaadistooda aynu iska dayno, Soomaaliya afku yaanu idinkaga dhicin, Somaliland ayaynu nahay, hortood ayaynu dawladd nahay, iyaga oo imika baaba’sana waynu nahay, Somaliland ictiraaf raadinteeda sidii looga hawlgali lahaa aynu raadino”

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Buddeeya, ayaa talo ahaan   u soo jeediyay in siyaasada arrimaha gudaha la kobciyo si siyaasada arrimaha dibedda ee waddanka loo horumariyo.

Waxaanu yidhi.“Siyaasadeena arrimaha gudaha aynu hagaajino, oo qabyaalada aynu ka dayno, siyaasada arrimaha gudaha oo hagaagta waxa ay wada ta arrimaha dibeda”

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud, ayaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay ugu baaqay in uu ictiraafka Somaliland ee uu ka ilduufay markii hore uu madaxweynaha ahaa uu imika miiska saar.

Waxaanu yidhi.“Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay waxaan leeyahay maalintii hore wixii ku seegay ee aad madaxweynaha meesha ka ahayd,  maanta yaanay ku seegin ee ictiraafna miiska saar,”

“Waad og’tihiin  in Maraykanku yimid, oo Ruushku yimid, oo Jarmalku yimid, waxaanay cidkasta danaynaysa in ay maalgashato bugcada barakaysan ee aynu naalo, Carabtaba marka hore saaxiib ayaynu ahayn awalba oo way ina danaynayaan, marka siyaasadeedna arrimaha dibedu meel fiican ayay maraysaa, haddii aynu adkaysano nabadgelyaddeena ALLENA inala qabto waala ina Ictiraafi doona, haddii ILLAAHEY yidhaahdo”Ayuu yidhi xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed.

 

Leave a Reply