Kooxda Lama Filaanka ah ee uu Cristiano Ronaldo ku Biiri Karo Suuqa Xagaagan

0
249

Weli waxa jirta suurogalnimo uu Cristiano Ronaldo kaga tagi karo Manchester United suuqa xagaagan kaddib xilli ciyaareed adag oo ay kooxdaasi soo martay oo sababay inay ka hadho UEFA Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Ronaldo ayaa suuqii xagaaga ee sanadkii hore dib ugu soo biiray Manchester United, in kooxdaasi ay booska lixaad kaga dhammaysatay Premier League ayaa ka dhigan in hawlgalkii Ronaldo ee Old Trafford uu fashilmay.

Walow aysan jirin wax tilmaamo ah oo sheegaya in Ronaldo uu qasbi doono in kooxda laga fasaxo suuqa xagaaga ayay haddana adkaan doontaa inuu u dulqaato xilli ciyaareed kale oo hoos u dhac ah.

Haddaba sida ay haatan sheegayaan wararka ka imanaya dalka Talyaanigu, kooxda AS Roma ee uu hormoodka u yahay tababare Jose Mourinho ay xiisaynayso saxeexa Ronaldo.

Roma ayaa iyaduna sidoo kale ka ciyaari doonta isla Europa League sidoo kalena lama filayo inay u tartamaan horyaalka Serie A balse xidhiidhka kala dhaxeeya Jose Mourinho ayaa sababi kara inuu wax badan ka tanaasulo.

Ronaldo ayaa waraysiyo uu dhawaan bixiyay ku qishay inuu xilli ciyaareedka dambe sii joogo doono Old Trafford isaga oo la shaqaynaya macalinka cusub ee Erik Ten Hag.

Sidoo kale tababaraha Dutch-ka ah ayaa qudhiisu sheegay inuu sugi la’yahay la shaqaynta 37 sano jirkaas taas oo badinaysa suurogalnimada uu sanadka uga hadhsan heshiiskiisa Old Trafford ku dhammaysanayo.

Leave a Reply