Salaad Roob-doon ah oo laga oogay Gobolka Sanaag

0
237

 

Ceerigaabo-(Ceerigaabo):-Boqolaal qof oo ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo shalay salaad roob-doon ku tukaday garoonka kubada cagta ee Daalo, ayaa loogu baaqay isa-saamax shacabka magaalada iyo guud ahaan ummada Somaliland iyo islaamka, si ILAAHAY SW raxmaadkiisa uugu shubo.

Salaada roob-doonta oo ay tukashadeen ka soo qeybgaleen rag, dumar, caruur, waayeel, waxgarad, culimo, iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ayey ummadu ILAAHAY SW ku weydiisteen inuu raxmaadkiisa roobka u shubo, kana soo jebiyo abaaraha.

Masuuliyiinta heer gobol iyo Degmo oo shacabka kala soo qeybgalay tukashada salaada ayaa u soo jeediyey inay isa-saamaxaan.

Imaamka masjid-jaamaca magaalada Ceerigaabo Sheekh Siciid Caraale iyo culimada gobolka Sanaag iyo culimo Tabliiq ah oo ku sugan magaalada oo shacabka kula hadlay ayaa ugu baaqay inay isa-saamaxaan, ILAAHAY SW weydiistaan inuu raxmaadkiisa u shubo, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa;

“Nebi Nuux CS oo qoomkiisi la hadlaya ayaa ku yidhi ‘Dadyow ALLE dembi-dhaaf weydiista, si uu samada raxmaad idiinku shubo.” Ayuu yidhi Sheekh Siciid, waxaanu shacabka gobolka Sanaag iyo guud ahaan ummada Somaliland u soo jeediyey inay isa-saamaxaan, si ay raxmaadka ALLE u helaan.

Culimo Tabliiq reer Pakistaan ah oo shacabka kula tukaday salaada roob-doonta ayaa ummada ugu baaqay inay ILAAHAY SW dembi dhaaf weydiistaan, cibaadooyinka u uku waajibiyeyna gutaan si ay raxmaadkiisa u helaan.

Maayirka magaalada Ceerigaabo Md. Ismaaciil X. Nuur oo shacabka salaada ka dib la hadlay ayaa ILAAHAY SW uuga baryey inuu ducadooda ka aqbalo, raxmaadkiisana u shubo.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Md. Axmed Cabdi Muuse oo bulshada la hadlay ayaa sheegay in aqbalaada ducadooda ee ILAAHAY SW ku xidhan tahay inay quluubtooda mideeyaan, isla markaana isa-saamaxaan ummadu.

 

Leave a Reply