Marcelo oo ku Dhawaaqay inuu ka Tegayo Real Madrid, Rikoodhka lagu Xasuusanayo iyo Labada Xiddig ee Sii Raacaya

0
371

Difaaca reer Brazil ee Marcelo ayaa shaaciyey, in Sabtidii uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee Real Madrid oo uu ka tegayo xagaagan, kaddib markii uu xalay la qaaday Champions League oo ay Liverpool ku garaaceen Stade de France.

Marcelo oo ah ciyaartoyga ugu koobabka badan taariikhda Real Madrid, isla markaana xalay koobkiisii 25aad la qaaday ayaa waxa uu go’aansaday inuu iskaga tago Los Blancos oo qandaraaskiisu uu ku egyahay bisha dambe ee June.

Saxaafadda oo uu la hadlay kaddib dabaal-deggii koobka 14aad ee Champions League ee ay Real Madrid ku guuleysatay ayaa waxa uu shaaciyey inuu soo afjaray waayihiisii Real Madrid, isla maarkaana uu aad ugu faraxsan yahay guulihii uu la gaadhay iyo waqtigii uu kusoo qaatay Santiago Bernabeu.

“Waa waqti aad u wanaagsan. Marka aad tahay kabtanka koowaad waxa aad ku riyoonaysaa in aad qaaddo koobka, waxaanan noqday ciyaartoyga kaliya ee reer Brazil ee Champions League kula guuleysta Real Madrid isaga oo kabtan ah.” Ayuu yidhi Marcelo.

34 jirkan ayaa waxa uu sheegay inuu sii wadan doono ciyaarista kubadda cagta laakiin uu dhamaaday waqtigiisii Real Madrid oo uu macasalaameeyey, waxaanu yidhi: “Waxay ahayd ciyaartaydii ugu dambaysay ee Real Madrid. Aad ayaanan u faraxsanahay. Iima aha maalin murugo sababtoo ah waxa aan ku tegayaa farxad badan, waxaanan ku faraxsanahay taageereyaasha iyo habeenadii mucjisada ah ee aan kusoo qaatay Santiago Bernabeu.

Koobabkii uu Marcelo la qaaday Real Madrid

25 koob ayuu Marcelo la qaaday Real Mardid muddo 15 sannadood ah oo uu u ciyaarayay, taas oo sannadkii 2007 uu kaga soo biiray kooxda reer Brazil ee  Fluminense.

13 koob oo gudaha waddanka Spain ah iyo 12 Yurub iyo heer caalami ah ayuu Marcelo kula guuleystay Madrid, waxaanay kala yihiin:

5 Champions League

6 Spanish Leagues

3 European Super Cups

2 Del Rey Cups

5 Spanish Super Cups

4 Club World Cups.

Dhinaca kale, labada ciyaartoy ee Isco iyo Gareth Bale ayaa iyaguna sii raaci doona Marcelo. Labadan ciyaartoy ayay qandaraasyadooda Real Madrid  ku egyihiin xagaagan, waxaase sidoo kale la filayaa inay ka bixi doonaan Santiago Bernabeu Mariano Diaz iyo Luka Jovic.

Leave a Reply