“Liverpool Ayaa Nooga Fududayd Kooxihii Kale” Carlo Ancelotti

0
285

Carlo Ancelotti waxay kooxdiisu xilli ciyaareedkan garaacday Paris Saint-Germain, Chelsea iyo Manchester City ka hor intii aanay gaadhin finalka Champions League oo ay Liverpool 1-0 kaga adkaatay, kuna qaadday koobkeedii 14aad ee Champions League.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareed qurux badan dhamaysatay, waxaanay hore ugu soo guuleysatay horyaalka  LaLiga iyo Spanish Super Cup, taas oo ka dhigan in kaliya Copa del Rey uu ka baxsaday koobabkii ay ku tartameen xilli ciyaareedkan.

Carlo Ancelotti ayaa isaguna noqday tababaraha ugu guulaha badan dhinaca Champions League, isaga oo koobkiisii afraad qaaday xalay oo sannadkii 2014 uu sidan oo kale ugula guuleystay.

Real Madrid ayaa laga gacan-sarreeyey 90kii daqiiqadood ee ay ciyaartu socotay, waxaana la baxsaday oo libintooda ku suntanaa goolhaye Thibaut Courtois oo ciyaartoyda Liverpool uga dhaartay shabaqiisa, isla markaana qaatay abaal-marinta xiddigii ciyaarta.

Inkasta oo Liverpool ay 24 jeer toogatay goolka Real Madrid, haddana Carlo Ancelotti ayaa waxa uu sheegay in Liverpool ay uga fududayd kooxihii kale ee ay lasoo ciyaareen ee PSG, Chelsea iyo Manchester City, waxaanu yidhi: “Dib ayaan u milicsanayaa, dadku waxay leeyihiin, oh PSG nasiib-darro ayaa ku dhacday, Chelsea nasiib-darro ayaa  ku dhacday, Manchester City way nasiib-darnayd, laakiin ciyaartani waa midda kale ee ay dadku sheegayaan in aanu la heer ahayn.

“Waxay ila tahay in Liverpool ay nooga fududayd kooxaha kale, sababtoo ah waxay leeyihiin aqoonsi cad, waxaananu diyaarin karaynay sida aanu samaynay. Waxa aanu ogeyn istaraatiijiyaddooda iyo in aan fursad loo siinin inay difaaca ka daba baxaan.

“Waa laga yaabaa in aanay kubaddayadu ahayn mid heersare ah oo qurux badan, laakiin fikradooda ah in kubadda laga soo dhiso difaaca si naloo cadaadiyo ma ahayn fikrad wanaagsan.

“Waxa aanu tuurnay tiro yar oo kubbado dhaadheer ah, marka ay qaybta dhinacyaga ee garoonka yimaaddaana waxa aanu tuuraynay kubbado dhaadheer, qaybtii dambena waanu ku fiicnayn maamulka kubadda.”

Leave a Reply