Badbaadinta Waxa Sababay Maskaxdiisa sare

0
380

Xajaaj wuxu ahaa badhasaabkii wakhtigii Umawayiinta Ciraaq xukumayay, wuxuu ahaa nin dhib badan oo dilka dadku la fudud yahay.  Bulshadii ku noolayd goobahasina way neceen.

 

Wuxu mari jiray dhulka isagoo dadka weydiinaya su’aasha ah “Ma taqaana Xajaaj”? Qofkii diida ama dhaleeceeya wuu dili jiray.

Maalin isagoo nin ilaaladiisa ka mid ahi la socdo ayuu ku soo baxay nin reer miyi wuxu weydiyay  Xajaaj ma taqaana ka waran ?

Wuxu ugu jawabaay waa daalin, Allah dadka haka qabto.  Xajaaj ayaa ku yidhi aniga miyaad igaranysaa waxaan ahay Xajaaj Binu Yuusuf.

 

Ninkii reer miyiga ahaa oo aad u caqli badnaa wuxu ugu jawaabay oo haddaa aniga miyaad igaranaysaa , waxaan ahay In Maqluub oo bishii saddex casho ayaan waasha, maanta waa maalintaydii koowaad. Xajaaj ayaa qoslay oo iskaga tegay, isagoo leh marfuucal qalam ( qof waalan) xukun maleh.

 

Leave a Reply