Tabobare Ralf Rangnick oo Iska Casilay Manchester United

0
530

Tababaraha ku-meelgaadhka ahaa ee  Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa shaaciyey inuu si rasmi ah uga tegi doono kooxdaas oo uu kula jiray heshiis  laba sannadood ah oo uu kusii ahaanayo lataliye uu daaha dabadiisa  kaga tago hawlaha muhiimka ah ee Old Trafford.

Ralf Rangnick oo shaqada tababarenimada ka beddelay Ole Gunnar Solskjaer bishii November ee sannadkii hore ayaa waxa uu kooxda hoggaaminaayay illaa intii laga soo gaadhayay May 22 oo ciyaartii ugu dambaysay ee Premier League ah ay dheeshay Red Devils.

Khabiirkan Jarmalka ah ayaa waqtigaas Manchester United u saxeexay heshiis dhigayay inuu xilli ciyaareedkan la dhamaystiro kooxda, kaddibna uu laba sannadood oo kale sii ahaado lataliye awood badan, hase yeeshee waxa uu go’aansaday inuu ka tanaasulo labadii sannadood ee kale ee lataliyaha uu ka noqon lahaa Old Trafford.

Rangnick oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu hadda shaaciyey in uu si rasmi ah uga tegayo Manchester United oo aanu sii joogi doonin, isla markaana uu booska u bannaynayo Erik ten Hag iyo maamulka kale ee kooxda, si ay dhiig cusub oo tababarenimo iyo maamulba kooxdu u yeelato oo looga fikiro in isbeddel lagu sameeyo kaddib xilli ciyaareed adag oo ay soo qaateen.

Tababarahan oo dhowaan loo magacaabay macallinka xulka qaranka Austria ayaa la filayay inuu isku hayo laba shaqo oo ah inuu tababarenimada Austria sii ahaado iyo inuu sii wato shaqada Manchester United ee lataliyenimada, sida ay kooxdu waqtigaas shaacisay.

Leave a Reply