Wasiir Kaahin oo kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Wasaaraddiisa

0
207

Hargaysa (Dawan)  Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan laqaatay qaar kamida mas’uuliyiinta wasaaraddiisa.

Kulankaas waxa ku weheliyaan wasiir kuxigeenka maamulka gobolada iyo dawladaha hoose Naasir Caydiid Maxamed, wasiir kuxigeenka amniga wasaaradda arimaha gudaha cabdilaahi xuseen maxamed iyo agaasimaha guud ee amniga Ibraahim Cali Ismaaciil ayaa kulan la qaatay agaasime waaxeedyada wasaaradda arimaha gudaha.

Kulankan ayaa daarnaa dardar gelinta shaqada wasaaradda arimaha gudaha iyo la isla xisaabtanka shaqada joogtada ah, iyada oo Wasiirku war-bixino ka dhegaystay agaasime waaxeedyada, taasoo ku saabsanayd shaqada ay u hayaan wasaaradda iyo guud ahaanba Qaranka.

 

 

 

 

 

Leave a Reply