Xidhiidhka La Liga oo Barcelona ka Hor Istaagaya Saxeexa Robert Lewandowski

0
382

Madaxweynaha Xidhiidhka La Liga ee Javier Tebas ayaa sheegay in ayna Barcelona la soo saxiixan karin xiddiga Robert Lewandowski inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga Robert Lewandowski kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda Bayern Munich.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa doonaya dhankiisa in uu ku biiro kooxda Barcelona isaga oo doonaya in uu ka ciyaaro tartan cusub xilli ciyaareedka dambe.

Tebas oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi “Laga bilaabo maanta, Barca ma la soo saxiixan karto Lewandowski”.

“Barcelona haatanba way ogtahay waxa ay tahay in ay samayso, ma garanayo cida ay iska iibin doonaan”.

“Waa in ay helaan lacag badan iskana iibiyaan xiddigo, waa in ay buuxiyaan akoonkooda haas oo ah mid banaan ka hor inta ayna samayn saxeexyo” ayuu sii raaciyay”

 

Leave a Reply