Magacyada Sagaal Ciyaartoy oo ka Tegaya Kooxda Real Madrid

0
562

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay macasalaamayso sagaal ka mid ah ciyaartoydeeda waaweyn oo xagaagan ka tegaya Santiago Bernabeu kaddib guushii weynayd ee xilli ciyaareedkan ee Champions League, LaLiga iyo Spanish Super Cup.

Gareth Bale, Isco iyo Marcelo ayaa mar horeba shaaciyey bixitaankooda, taageereyaashana farriimo qiiro leh ku sagootiyey, halka kooxduna ay dhinaceeda ka shaacisay inay tegayaan bishan June ee aynu ku jirno.

Saddexdan ciyaartoyba waxay xor u yihiin inay baxaan kaddib sannado badan oo ay ku sugnaayeen Satiago Bernabeu, waxaanay Los Blancos dabada ka riixaysay Bale iyo Isco oo maamulka kooxdu uu jeclaan lahaa inay waqti horeba ka tagaan, halka Marcelo uu isagu doonayay in uu sii joogo laakiin boos  la’aanta ku haysata kooxda darteed uu uga tegay.

Real Madrid ayaa la filayaa inay isbeddelo badan ku yimaaddaan, waxaana jiri doona illaa lix ciyaartoy oo kale oo aanay ku jirin saddexda sare oo mustaqbalkooda shaki ku jiro, kuwaas oo loo badinayo inay tegi doonaan inkasta oo ay qandaraasyadoodu wali socdaan.

Afar ka mid ah ciyaartoydan ayay min hal sano ka hadhsan yihiin qandaraasyadooda, waxaanay u muuqataa in aanay heshiiska cusboonaysiinayn maadaama aanay haysanin boosas joogto ah oo ay ka ciyaaraan, taas oo ka dhigan in Real Madrid ay xagaagan iibin doonto haddii ay ku hesho lacago macquul ah.

Dani Ceballos, Marco Asensio, Luka Jovic, Mariano Diaz, Jesus Vallejo, iyo Andriy Lunin ayaa ah ciyaartoyda aanu mustaqbalkoodu sugnayn, inkasta oo ay duruufo kala duwan kaga jiraan dhinaca kooxda.

Xiddiga reer Spain ee Marco Asensio oo xilli ciyaareedkii tegay ahaa ciyaartoyga saddexaad ee ugu goolasha badan Real Madrid ayay 12 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa, waxaana ku dhacday boos la’aan markii uu Carlo Ancelotti garabka midig u go’aamiyey Fede Valverde iyo Rodrygo Goes.

Dani Ceballos ayaa isaguna kulamadii ugu dambeeyey muujiyey in uu leeyahay karti uu kaga sii ciyaaro Bernabeu, laakiin sida Asensio oo kale ayaanay Real Madrid wali wax heshiis cusub ah u bandhigin iyadoo labadoodaba min hal sano ka hadhsan yahay qandaraaskooda.

Goolhaye Lunin ayaa isagana la sheegayaa in uu diidan yahay in uu kursiga kaydka ugu jiro Thibaut Courtois oo ay adag tahay inuu booska ka cidhiidhsado, waxaana uu doonayaa inuu helo koox uu boos joogto ah ka helayo. Sidaas oo akel, Luka Jovic, Mariano Diaz iyo Jesus Vallejo ayaa ogsoon in aanay marnaba helayn boos ay ka ciyaaraan haddii uu caafimaad qabo Benzema.

Real Madrid ayaa qorshaynaysa inay dib usoo ceshato Alvaro Odriozola oo ay ka iibisay Fiorentina laakiin ay qandaraaskiisa ku dartay inay dib usoo ceshan karayso, waxaana sidoo kale uu Carlo Ancelotti doonayaa in uu fursad siiyo ciyaartoyda kale ee amaahda kasoo laabanaya ee Takefusa  Kubo, Reinier Jesus, Brahim Diaz, Borja Mayoral, Fran Garcia, Jorge de Futos iyo Victor Chust.

Leave a Reply