Xiddiga Aadka loo Raadinayo Waqtigan ee Labada Kooxood ee Ingiriiska ahi Kala Jiidanayaan

0
339

Christopher Nkunku ayaa noqday hantida ugu qaalisan ee taalla suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaana ku dagaallamaya kooxo waaweyn oo laba ka mid ah ay ka dhisan yihiin horyaalka Premier League.

Xiddiga reer France oo xilli ciyaareedkii tegay wacdaro ka dhigay horyaalka Bundesliga, ayaa 51 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay RB Leipzig waxa uu u dhaliyey 35 gool iyo 20 uu caawiye ka noqday, waxaana uu ku guuleystay xiddigii sannadka ee horyaalka  waddanka Jarmalka ee Bundesliga.

Kooxo badan oo qaaradda Yurub ah ayaa lala xidhiidhiyey laacibkan da’da yar ee hore uga soo baxay kulliyadda Paris Saint-Germain, waxaana ka mid ah Chelsea, Manchester United, Liverpool, Bayern Munich iyo sidoo kale kooxdiisii hore ee PSG.

Halkee ayuu kasoo jeedaa Christopher Nkunku?

Nkunku waxa dhalay waalidiin ka yimid waddanka Congo, isaguse waxa uu ku dhashay waddanka Faransiiska oo uu xulka qarankiisana u ciyaaro. Waxa uu ku biiray kulliyadda da’yarta PSG markii ay da’diisu ahayd 13 jir, waxaana uu ciyaartiisii koowaad u saftay kooxda koowaad December 2015 isaga oo beddel kusoo galay ciyaar ka tirsanayd Champions League oo ay Shakhtar Donetsk la ciyaareen, waxaana lagu beddelay Lucas Moura.

Xirfaddiisa kubadda cagta waxay qaan-gaadh ku noqotay horyaalka waddanka Jarmalka ee Bundesliga, halkaas oo uu xilli ciyaareedkii tegay ka dhaliyey 20 gool iyo 15 uu caawiyey kaliya 34 kulan oo uu u dheelay RB Leipzig, waxaanu xiddiga sannadka ku garaacay Robert Lewandowski.

Christopher Nkunku ayaa kooxdiisa ku hoggaamiyey German Cup oo ay rikoodheyaal kaga qaadeen Freiburg waana markii ugu horreysay taariikhda ee ay RB Leipzig ku guuleysato koobkan.

Waxa kale oo uu wacdaro ka dhigay tartanka Champions League inkasta oo ay kooxdiisu kaalinta afraad ka gashay group-keeda oo ay awoodi waayeen in ay soo gudbaan.

Christopher Nkunku ayaa ciyaaray kulamadii saaxiibtinimo ee xulka qaranka France uu la ciyaaray Ivory Coast iyo South Africa, halka uu beddel kusoo galay ciyaartii Nations League ee Faransiiska lagaga badiyey 2-1 toddobaadkan, taas oo uu goolka madiga ah ka caawiyey Benzema.

RB Leipzig ayaa Christopher Nkunku waxay £11 milyan oo Gini kaga iibsatay Paris Saint-Germain oo hadda qoomamaynaysa sababta ay iskaga iibisay.

Labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester United ayaa si aad ah ugu dagaallamaya oo doonaya inay la saxeexdaan, waxaana tababareyaasha labadan kooxood uu mid walba ku jiraa dedaal uu kusoo jiidanayo Nkunku.

Waa sidee xaaladdiisa hadda ee RB Leipzig?

Nkunku waxa uu RB Leipzig u saxeexay heshiis shan sannadood ah oo toddobaadkii uu ku qaadanayo lacag gaadhaysa £30,000, waxaana uu qandaraaskaasi soconayaa illaa sannadka 2024.

RB Leipzig ayaa ogsoon in laacibkan uu qandaraaskiisu dhow yahay oo ay laba sannadood  ka hadhsan yihiin, waxaana la sheegay in ay diyaar u tahay inay ku iibiso £50-£60 milyan oo Gini.

Leave a Reply