Raheem Sterling oo Go’aan ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man City

0
241

Xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu qaab xor ah uga tago Man City xagaaga dambe.

Xiddiga reer England ayaan wali heshiis cusub la gaadhin Man City taas oo la macno ah in uu xor noqon doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Raheem Sterling ayaa lala xidhiidhinayay Barcelona suuqii January laakiin xiddiga 27 jirka ah ayaa sii joogay kooxda Pep Guardiola.

Si kasta ha ahaatee wadahadalada heshiiska cusub ayaan wali horumar laga samayn waxana uu wargayska Mirror sheegaya in uu xiddigu doonayo in uu qaab xor ah uga tago kooxda sanadka 2023.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa la sheegayaa in uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kooxda Man City maadama uuna doonayn in uu sii joogo kooxda.

Raheem Sterling Ayaa haatan mushahar ahaan uga qaata kooxda lacag dhan 300 kun oo Gini todobaadkii waxana uu doonayaa in kor loogu qaado mushaharkii

Leave a Reply