Xiddigii ugu Fiicnaa Manchester United Sannadkan oo la Shaaciyey

0
227

Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa Manchester United xilli ciyaareedkii 2021/22, waxaanu ku guuleystay abaal-marinta Sir Matt Busby Player of the Year.

Xiddiga reer Portugal oo Manchester United dib ugu soo laabtay xagaagii tegay kaddib 12 sannadood oo uu kaga maqnaa Real Madrid  iyo Juventus, ayaa ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan Old Traffordxilli ciyaareedkii tegay, inkasta oo ay kooxdaasi ku jirtay xilli ciyaareed ay aad u liiteen, waxaana uu bandhiggiisa ku mutaystay inuu ku guuleysto xiddigii sannadka.

37 jirkan ayaa 39 ciyaarood oo uu u saftay Manchester United waxa uu u dhaliyey 24 gool oo dhamaan tartamada ah oo ay ku jiraan saddexleeyo uu ka dhaliyey kooxaha Tottenham iyo Norwich City.

Cristiano Ronaldo ayaa abaal-marintan ku guuleystay saddex jeer oo hore oo ahayd 2003/04, 2006/07 iyo 2007/08, waxaanay u tahay markii afraad ee uu noqdo xiddiga sannadka ee Manchester United.

David de Gea oo la  filayay inuu noqdo xiddiga sannadka ayaa uu Ronaldo ku garaacay abaal-marintan, waxaanay noqdeen barbarro iyagoo min afar jeer ku guuleystay, waxaanay yihiin laba ciyaartoy ee ugu badan ee uu abaal-marintan qaata tan iyo markii la aas-aasay sannadkii 1988kii ee lagu bilaabo Brian McClair.

Abaal-marinta xiddiga sannadka ee Manchester United oo sidoo kale uu ku tartamayay Fred ayaa Jimcihii la shaaciyey liiska saddexda  ciyaartoy ee ku tartamaya oo ah De Gea, Ronaldo iyo Fred, waxaana ugu dambayntii hantay Cristiano Ronaldo.

Bishii hore, Alvaro Fernandez ayaa loo magacaabay xiddiga sannadka ee U23 ee Manchester United, halka Alejandro Garnacho uu isaguna noqday xiddiga sannadka ee U18 ee Manchester United.

Leave a Reply