Xikmadaha

0
416
  • Hala la amankaagin haddii Shimbiriha adigoo u dhow oo weliba usida hadhuudhkii ay cunayeen inay kaa duulaan. Maxaa yeelay shimbiruhu way ka duwan yihiin Aadamiga, waxay rumaysan yihiin in Xorriyadu ka qaalisan tahay Kimista la siinayo.  Dr.Fiqhi
  • Inaad guulaysataa waxay ku jirtaa gacmahaaga, laakiin kuma jirto gacmaha dadka kale.
  • Haddii aad doonayso inaad nolol wanaagsan ku noolaato, ku xidh naftaada Allah (sw), laakiin haku xidhin ashkhaas.
  • Walaalkaa waani oo ha fadeexadayn, canaano adigoon niyadiisa dhaawacayn.
  • Nin indhoole ah aya habeen u baxay dhinaca webiga, laakiin wuxu sii qaatay faynuus. Dadkii ayaa wediiyay sababta uu u qaadanayo Faynuuska madaama uu indhoole yahay , waxaana uu ugu jawaabay inuu doonayo inay kuwa indhaha qabaa kaga baydhaan.

 

Leave a Reply