Magacyada 14 Xiddig oo Waaweyn oo Heshiisyadooda la Dhamaystirayo, ka dib Kulamada Caalamiga ah

0
477

Mashquulka kulamada caalamiga ah ayaa soo dhamaan doona toddobaadka Sabtida bilaabmaya, waxaanay ciyaartoydu dib ugu laaban doonaan kooxahooda kaddib fasax kooban oo ay la qaadan doonaan qoysaskooda, ka hor inta aanay bilaabin isku-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Dalalka Yurub ayuu ka socdaa wareegga group-yada ee tartanka UEFA Nations League, halka waddamo kale ay ciyaarayaan isreeb-reebka Koobka Adduunka iyadoo Afrikana laga ciyaarayay kulamo ka tirsan isreeb-reebka koobka qaramada Afrika. Waxa garab socday ciyaaro saaxiibtinimo oo ay waddamo qaarkood dheelayeen.

Ciyaarahan caalamiga ahi waxay dibu-dhac ku keeneen iibka ciyaartoyda maadaama ay fursadaha laacibiintani u helayaan wada-xaajoodyada iyo tijbooyinka caafimaadka ee ay u marayaan kooxaha kale ay kooban tahay.

Suuqa iibka ciyaartoyda oo si rasmi ah u furan ayaa socon doona muddo laba bilood iyo dheeraad ah, waxaase la filayaa in ciyaartoyda ugu waaweyn ay mustaqbalkooda  go’aamin doonaan kaddib kulamada caalamiga ah ee toddobaadkan dhacaya.

Illaa 14 ciyaartoy oo waaweyn oo la sheegayo in ay kooxahooda ka tegayaan iyo kuwo koox la’aan ah oo qandaraasyadoodu dhamaadeen ayaa saldhigi doona naadiyo cusub.

Manchester United ayaa noqon doonta kooxda shaqada ugu badan ka qabanaysa suuqa iibka ciyaartoyda toddobaadkan, sida uu sheegay wargeyska Daily Mail, waxaanay la saxeexan doonaan oo ay dhamaystiri doonaan ugu yaraan laba ka mid ah ciyaartoyda bartilmaameedka u ah.

Tababare Erik ten Hag ayaa isku diyaarinaya soo dhoweynta  Frenkie de Jong iyo sidoo kale Jurrien Timber oo uu doonayo inuu ka dhigo saxeexyada koowaad, halka Liverpool ay albaabkeeda isku weydaaranayaan labada xiddig ee Sadio Mane oo sii baxaya iyo Darwin Nunez oo imanaya.

Barcelona ayaa sidoo kale rajaynaysa inay hesho weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo ay kasoo qaadanayaan Bayern Munich, balse Arsenal ayaa iyaduna xaqiijisan doonta saxeexa Gabriel Jesus oo doonaya inuu ka tago Arsenal.

Halkan kaga bogo magacyada 14ka ciyaartoy ee heshiisyadooda lasoo gabogabayn doono toddobaadkan marka ay dhamaadaan kulamada caalamiga ah.

Frenkie de Jong => Manchester United

Jurrien Timber => Manchester United

Darwin Nunez => Liverpool

Sadio Mane => Bayern Munich

Robert Lewandowski => Barcelona

Gabriel Jesus => Arsenal

Youri Tielemans => Arsenal

Ruben Neves => Manchester United ama Barcelona

Kalvin Phillips => Manchester City

Raphinha => Barcelona

Richarlison => Chelsea, PSG ama Real Madrid

Jules Kounde => Chelsea

Pau Torres => Manchester United ama Tottenham

Christian Eriksen => mid ka mid ah kooxaha Premier League.

Leave a Reply