Xiddiga ugu Horreeya ee uu Zidane ka Caydhinayo PSG Haddii uu la Wareego

0
337

Tababaraha koox la’aanta ah mudooyinkii ugu dambeeyay ee Zinadine Zidane ayay qaar kamida warbaahinta Spain sheegayaan inuu qorshayaal leeyahay haddii uu qabto shaqada lala xidhiidhinayo ee Paris Saint-Germain.

Shabakadda GOAL ayaa sheegtay in mulkiilayaasha ree Qatar ee Paris iska lehi ay doonayaan inay tababare u magacaabaan Zidane isla marka ay caydhiyaan Mauricio Pochettino oo la filayo inuu dhawaan shaqadaasi waayo.

Pochettino ayaa awoodi waayay inuu saf cajiib ah oo PSG ah ku hoggaamiyo tartanka Champions League halka uu Zidane koobkaas oo ay dartii waxkasta u samaynayso kooxda French-ka ahi saddex sano oo xidhiidh ah ku qaaday Real Madrid.

Zidane ayaa markii labaad waayihiisa tababarenimo iska casilay Real Madrid xagaagii hore ee 2021 tan iyo wakhtigaasna ma qaban wax shaqo ah.

Sida uu haatan sheegayo wargeyska El Nacional, Zizou ayaa haddii uu PSG qabto albaabka u furi doona oo iska fasaxaya Neymar oo mudo shan sano ah kusoo sugnaa Parc des Princes.

30 sano jirkaas ayaa wakhti isku dhafan kusoo qaatay PSG tan iyo markii uu rekoodhka 222 Milyan euros-ka ah ugu wareegay iyadoo qaar kamida jamaahiirta kooxdu ku oriyeen kaddib markii ay Real Madrid ka reebtay Champions League sanadkan.

Ka go’naanshaha Neymar ayay maamulka Paris su’aal galiyeen maadaama oo uusan hal xilli ciyaareed wax ka badan 22 kulan u ciyaarin horyaalka Ligue 1.

El Nacional ayaa sheegaya in PSG aysan waxba ka qabin iibinta Neymar isla markaana ay 90 Milyan oo euro ku dalban doonto iibkiisa.

Leave a Reply