Naxariista Iyo Waxtarka Dhakhtarka!

0
267

Gabadh dhakhtrad ilkaha ah oo u dhalatay dalka Baraziil caadona u leh inay booqato dugsiyada caruurta  si xanuunada ilkaha qaba ee qoysaska saboolka u caawiso ayaa dugsi ay booqanaysay ku aragatya wiil yar oo ay ilkuhu ka wada daateen..

Markii ay baadhayna waxay ogaatay inuu ku dhacay xanuun ilkaha daadiya oo la iska dhaxlo. Markiiba hooyadii ayay ka codsatay maamulka dugsiga inay ugu yeedhaan si ay u waraysto. Hooyada ayaa u sheegtay in muddo 3 sano ah uu sidaa ahaa oo aanu ilko lahayn isla markaana ay u weyday dhaqaale ay ku dawayso.

Dhakhtarada ayaa isla markiiba hooyada u sheegtay inay iyadu  hawshaasi lacag la’aan ku fulin doonto, waxaana ay bilowday dawayntiisa iyadoo markii danbe ilko u gelisay. Hooyada iyo maamulka dugsiga ayaad ugu farxay samalfalka dhakhatarada. Wiilka yar ayaa isaguna sheegay inuu in badan doonayay in ilko helo sida caruurta kale.  Samafalka iyo naxariista bulshada u baahani waa muhiim. ( brazilain Dentist)

Leave a Reply