Fikradaha Guusha Waad Abuuran Kartaa!

0
351

Wuxu ka shaqaynayay wershad weyn oo qoryaha samaysa muddo dheer, markii usoo gaadhay 40 sano wuxu ahaa mid khibrad aad u saraysa u leh hawshaasi. Laakiin waxa dhacday in Subax hore markii uu shaqada soo galay uu ku wargeliyay maamulaha wershadu in uu shaqadii ka eryay isla markaana dood iyo beryo midna looga baahnayn.

Isaguna sidaas ayuu aqbalay waana uu iska baxay isagoo cadho iyo murugo ka buuxdo, isla markaana rumaysnaa in albaabkii kelida ee risiqiisa uu ka soo xidhay “ . Waxaana uu naftiisa ku yidhi: “Markii ay xoogaygii ku shaqaysteen, wakhtigayga intii u muhimadda badnayd qaateen ayay sidan igu sameeyeen”?.

Markii uu gurigiisa gaadhay ee gabadhiisa u tegey arinkana u sheegay waxa ay ku tidhi: “ dhib ma leh gurigeena ayaan iibnayna oo aan ku ganacsan doonaa”?.

Sidaasi ayuu aqbalay, markii uu guriga iibiyay waxa uu sameeyay shirkad dhismaha guryaha ah. Markii  u horaysay waxa u dhisay laba guri oo uu isla markiiba uu iibiyay oo macaashna ka helay.

Shan sano ka dib maalintii shaqada laga eryay waxa uu noqday maalqabeen weyn oo caan ka ah dalka Maraykanka. Ninkaasi waxa lagu magacaaba Wallace Johnson oo dalka Maraykanka ka caan ka ah isla markaana dhisay huteelada caanka ah ee lagu magacaabo Holiday Inn iyo kuwo kale oo badan.  Waxa u dhashay sanadkii 1902, waxaana u dhintay sanadkii 1988 isagoo  86 sano jiray.

Waxaana uu ku qoray buugiisa xusuus qorka :“ hadaan ogaan lahaa ninkii shaqada iga eryay halkuu joogo, waan uga mahad niqi lahaa abaalka uu ii galay. Xaqiiqdii waan murugooday markuu eryay laakiin haddana waxaan fahmay in albaabkii iga xidhmay mid ka waaagsan aan helay. Kaasi oo waxtar ka weyn u yeeshay naftayda , qoyskayga iyo dad kale oo badana oo badan oo caalamka ahba.

Leave a Reply