Xeeladaha Beenta Iyo Faalka!

0
400

Markii loo sheegay inuu faalka aad u yaqaano oo qof kasta uga waramo mutaqbalkiisu ayuu ugu tegay gurigeeda Islaantii faaliyaha weyn noqtay dadkuna u wada tegeen.

Markii uu ninkaasi uu galay faaliyaha ayay ku tidhi :” Si rooxaantu raali kaaga noqoto oo aanu mustaqbalkaaga kaaga warano, horta laba doller bilaydhkaasi ku rid”.  Ninkii oo yaaban ayaa isaguna ugu jawaabay “ Iska dhaafa  Rooxaanta ku dheh , yaanay waxba iiga waramin mustabalkayga, maxaa yeelay haddii aad ogaanaysaan mustaqbalka, waxaad ogaan lahaydeen inay jeebadayda ku jirto hal doller keliya ka dibna kaasi ayaad i weydiisan lahaydeen.  Laakiin hadda waxa cad inaydaan waxba ogaan Karin. Waana mahadsan tihiin kii  aad dhici kartaan dhaca.

Nin isaguna cuntada aad u cuna ayaa soo maray saaxiibo u lahaa oo meel raashin ku cunaya, markaasuu weydiiyay iyagoo og inuu cuntada belaayo ku qabo “ Maxaad cunaysaan”? Iyaguna waxay ugu jawaabeen “ Waa raashin sumaysane iska dhaaf, anagu in aanu dhimano ayaanu goosanaye”? .

Isaguna intuu qoslayay ayuu ugu jawaabay “ Waaba sax , haddii idinku dhimataan ma iyadaa noloshuba qiimo leh, aniguna waan idinla dhimanayaa oo idin raacaya, raashinkii ayuu dhinac kaga bilaabay”.

Leave a Reply