Xiddigaha Reer Brazil ee Qabsaday Hadal-haynta Horyaalka Premier League & Dagaalka Kooxaha London

0
255

Saddex ciyaartoy oo reer Brazil ah ayaa noqday kuwa ugu hadal-haynta badan horyaalka Premier League suuqa iibka ee xagaagan, waxaanay dagaal madaxa iskugu geliyeen kooxaha isku magaalada ah ee ka wada dhisan magaalada London.

Wiilasha xulka qaranka Samba ayaa ah kuwa uu dagaalka ugu weyn ee suuqa Premier League uu ku dhex marayo xagaagan, waxaana isku haysta saddex naadi oo kala jiidanaya.

Weeraryahanka Manchester City ee Gabriel Jesus ayaa la sheegay in u doonayo inuu iskaga tago Manchester City, waxaana uu bartilmaameed u yahay oo ku dagaallamaya saddexda kooxood ee Chelsea, Arsenal iyo Tottenham, waxaase ugu sii cadcad kooxaha Gunners iyo Blues oo weeraryahanno la’aani hayso.

Antonio Conte iyo Thomas Tuchel ayaa xiddiga ay sida weyn saxeexiisa iskugu hayaan uu yahay weeraryahanka Everton ee Richarlison oo lagu qiimeeyey £50 milyan oo Gini, kaas oo labada kooxood ay mid walba dhinaceeda ugu dagaallamayso in ay hesho saxeexiisa.

Sidoo kale, kooxaha colaadda weyni ka dhaxayso ee Tottenham iyo Arsenal ayaa iyaguna isku haysta garabka weerarka Brazil ee Raphinha oo sidoo kalena ay u gacan-haadinayso Barcelona.

Gabriel Jesus oo ay da’diisu tahay 25 jir oo go’aansaday in uu iskaga tago Manchester City oo uu sannad uga hadhsan yahay qandaraaskiisa kaddib imaatinka Erling Haaland iyo Julian Alvarez, ayaa waxa uu Mikel Arteta u arkaa ciyaartoyga ugu habboon ee buuxinaya booskii ay banneeyeen Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette kaas oo haddii uu tago Emirates Stadium ay weerarka ku tartami doonaan Eddie Nketiah.

Marka la eego fursadaha ay kooxuhu u haystaan Jesus, waxa ugu cadcad Arsenal, balse Richarlison iyo Raphinha oo iyaguna 25-jirro ah ayaa dagaalkoodu uu wali u dhexeeyaa saddexdan kooxood.

Leave a Reply