Man United oo Go’aan ka Gaadhay Ronaldo oo Doonaya inuu Iskaga Tago Xagaagan

0
375

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo doonaya inuu iskaga tago Old Trafford xagaagan, inkasta oo uu sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa.

Sabtidii ayay soo baxeen warar sheegay, in mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly iyo wakiilka Ronaldo ee Jorge Mends ay ku kulmeen magaalada London, iyaga oo ka wada-hadlay sidii uu xiddiga reer Portugal u noqon lahaa beddelka Romelu Lukaku oo kusoo jeeda Inter Milan oo uu amaah ugu laabanayo.

37 jirkan ayaa la sheegay in uu ka niyad-jabay sii joogista Old Trafford markii ay kooxdu ka maqnaatay afarta kooxood ee Ingiriiska uga qayb-gelaya tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, waxaana hore loo sheegay inay suurtogal tahay inuu tago Bayern Munich ka hor intii aanay Chelsea si lama filaan ah u noqonin kooxda ugu cadcad saxeexiisa.

Si kastaba, ManchesterUnited ayaa ku adkaysatay in aanay sinaba u iibinayn Cristiano Ronaldo xagaagan maadaama uu heshiis kula jiro, isla markaana uu sii joogi doono Old Trafford xilli ciyaareedka bilaabmaya.

Masuul sare oo ka tirsan Manchester United oo aan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wargeyska MEN sidan: “Cristiano Ronaldo ma aha iib. Waanu doonaynaa, waxaananu rajaynaynaa in uu nala sii joogayo xilli ciyaareedka dambe.”

Manchester United oo kaalinta shanaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League ayaa ka ciyaari doonta Europa League, waxaana haddii uu Ronaldo sii joogo ay u noqon doontaa markii ugu horreysay ee aanu ka ciyaarin Champions League tan iyo sannadkii 2002 oo ahayd waqtigii ay United kasoo iibsatay Sporting Lisbon isaga oo 17 jir ah.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa uu Manchester United u saftay 38 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 24 gool isaga oo laba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga  bisha  ee horyaalka Premier  League xilli ciyaareedkii tegay. Sidoo kale waxa uu ka mid noqday kooxdii sannadka ee  Premier League.

Leave a Reply