Manchester City oo Shaacisay Heshiiska Xiddig Cusub oo kusoo Biiray Kooxda

0
360

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa dhamaystirtay heshiiska ciyaartoy u dhashay waddanka Jarmalka oo si rasmi ah uga mid noqday xiddigaha tababare Pep Guardiola uu ku dagaal gelayo xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa waxay ku dhawaaqday inay si xor ah kula soo wareegtay goolhayaha u dhashay waddanka Jarmalka ee Stefan Ortega oo qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah.

29 jirkan ayaa ka tegay Arminia Bielefeld horraantii toddobaadkan, waxaana uu noqon doonaa goolhayaha labaad ee Manchester City isaga oo booska ka cidhiidhsan doona Zack Steffen oo la rumaysan yahay in uu amaah ku tegayo Middelsbrough.

Ortega ayaa noqday saxeexii labaad ee Manchester City ay xagaagan si rasmi ah ugu dhawaaqdo, waxaana ka horreeyey Erling Haaland halka Alvarez ay isagana bishii January kala soo saxeexdeen River Plate oo uu xagaagan kasoo degay magaalada Manchester.

Gool-hayahan Jarmalka ah oo la hadlay warbaahinta, ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta uu ku doortay Manchester City, waxaanu yidhi: “Waxay ii tahay socdaal weyn. Manchester City waa koox cajiib ah, waa naadi heer caalami ah oo haysta ciyaartooyo tayo leh oo boos walba. In la isiiyo fursad aan kaga mid noqdo kooxdan waxay ii tahay raiyo ii rumowday.”

Ortega ayaa la filayaa inuu ciyaari doono kulamada  FA Cup iyo ciyaaraha kale ee aan Carabao Cup, balse waxay Man City rajaynaysaa in ay sidoo ay la soo wareegi doonaan Kalvin Phillips oo Leeds United u ciyaara.

Leave a Reply