Mohamed Salah oo Go’aan Rasmi ah ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool

0
297

Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Mohamed Salah uu qandaraas cusub oo waqti dheer ah uu u saxiixay kooxda.

Salah ayaa qandaraaskiisa haatan uu dhacayay xagaaga soo socda laakiin ugu danbeyn wadahadalo soo jiitamayay muddo dheer wuxuu ogolaaday inuu qalinka ku duugo maanta oo Jimce ah qandaraas cusub oo muddo dheer ah.

Ka dib shan sannadood uu Salah joogay kooxda wuxuu haatan sii dheereysan doonaa waqtigiisa Anfield isagoo durbaba u dhaliyay 156 gool 254 kulan uu saftay.

Xiddiga No.11 u xirta Liverpool ayaa yiri ka dib markii uu qandaraaska saxiixay: “Waxaan dareemayaa farxad, waxaan ku faraxsanahay inaan koobab kula guuleysto kooxda. Qof walba ayay farxad u tahay maanta.

“Waqti yar ayay yara qaadatay inaan qandaraaska cusbooneysiiyo laakiin haatan wax walba waa la dhameeyay sidaasi darteed waxaan kaliya diirada saari doonaa waxa soo socda.

“Sida aad aragteena shantii ama lixdii sannadood ee ugu danbeysay koox meel sarre uun ayay u socotay. Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxaan ku dhaweyn inaan afar koob ku guuleysanayo laakiin nasiibdarro isbuucii ugu danbeeyay labo koob ayaan weynay.

“Waxaan qabaa inaan ku jirno boos fiican oo aan ugu dagaalami karno wax walba. Waxaan sidoo kale heysanaa saxiixyo cusub. Waxaan u baahanahay inaan si adag u shaqeeyo oo aan koob walba u dagaalano.”

Leave a Reply