Falsafadda Iyo Faylasuufka

0
427

George Bernard Shaw wuxu ahaa qoraa Irland u dhashay oo xikmado badan qoray. Wuxu dhashay July 26, 1856, wuxuuna dhintay 1950 Novemeber. Waxa uu ahaa ragii sameeyay jaa’isadda edebka iyo Nobelka diimaha sanadkii 1925. Laakiin wuxu ahaa nin bakhayl ah, oo haddana jecel lacagta. Dadka wuxu u qori jiray xikmadaha marka u ka qaato waxooga lacag ah.

Maalin ayuu nin u yimi waxa uu sitay hal gini oo keliya, waxa uu siiyay Bernard sii uu ugu qoro xikmad. Bernard ayaa uqoray xikmaddan “ Waad Mahadsantay”.  Ninkii ayaa aad u  cadhooday oo ku yidhi “ Adigu waxaad tahay Insaan doonaya lacag, aniguna waxaan rabaa sharaf iyo qiimayn iiqor wax i raaligeliya “. Si degan ayuu ugu jawaabay waxaana uu ku yidhi “ labadeenuba waxaan raadinayna waxa inaga maqan”. Mahadsanid waxay ahayd wax kaa maqan oo sharaf kuu kordhinaysa, waan intaasi qiimaha giniguna.

Leave a Reply