Gabriel Jesus oo Areta u Sheegay Booska Saxda ah ee uu ka Ciyaaro

0
320

Saxeexa cusub ee kooxda Arsenal ee Gabriel Jesus ayaa tababarihiisa Mikel Arteta u sheegay in uu yahay No.9 isla markaas doonayo in uu weerarka tooska ah uga ciyaaro Arsenal.

Xiddiga reer Brazil ayaa shalay si Rasmi ah u noqday xiddig Arsenal ah kadib markii ay kooxdu ku dhawaaqday saxeexiisa.

Jesus ayaa haatanba bilowday tababarka kooxda Arsenal isaga oo la kulmay saaxiibadiisa cusub iskuna diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub.

Gabriel Jesus ayaa garabka weerarka uga ciyaaray kooxda Man City intii uu joogay laakiin waxa uu Arteta u sheegay in uu doonayo ka ciyaarista weerarka tooska ah.

“Anigu waxa aan ahay No.9″ayuu Jesus yidhi markii la waydiiyay booska uu doonayo in uu ka ciyaaro.

“Anigu waxa aan ahay weeraryahan laakiin waxa aan ka ciyaari karaa dhamaan 3-da weerarka laakiin booskayga saxda ah waa No.9″ayuu sii raaciyay.

 

Leave a Reply