Xidhiidhka Kubadda Cagta iyo Wasaaradda Ciyaaraha oo Qabtay Tababarka Tabobareyaasha Kubadda Cagta Gobolka Gabiley

0
240

Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland  ayaa si wada-jira u soo gabogabeeyey tabobarka tabobareyaasha kooxaha kala duwan ee gobolka Gabiley oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Gabiley, waxana tabobarkani gunaanadkiisa kala qayb galay badhasaab ku-xigeenka gobolka, Isuduwaha ciyaaraha Gabiley iyo sidoo kale masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta Gabiley.

Tabobarka tabobareyaasha kooxaha kubadda cagta Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday guud ahaan gobollada Somaliland, kaasoo ay bixinayeen xidhiidhka kubadda cagta iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.

Leave a Reply