Somaliland: Shirkadda Oomaar oo Berbera ka Hirgelinaysa Kaydka Shidaalka iyo Saliidda Cuntada

0
234

Berbera (Dawan) – Shirkadda caalamiga ah ee Oomaar ayaa magaaladda Berbera ka dhagax dhigtay maalgashi ay ku samaynayso xarunta kaydka Saliidda, taasi oo ay Maamulayso National Oil Company oo Mataano la ah Shirkadda Omar.

Munaasibad loo qabtay dhagax-dhigga maalgashigan ay samaynayso shirkadda Oomaar, ayaa ka qayb-galay Wasiirka Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin), Maayarka Berbera C/shakuur-Cidin, maareeyaha guud ee shirkadda Oomaar Group Maxamed Cali Muxumed, guddoomiyaha shirkadda National Oil Company, madaxa Oomaar group ee Berbera, badhasaabka gobolka Saaxil, maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid C/laaho Xasan. Maareeyaha haamaha kaydka shidaalka Berbera, qaar ka mid ah ganacsatadda waaweyn ee reer Somaliland, xubno ka tirsan golaha deegaanka Berbera, iyo masuuliyiin kale.

Waxaana goobta xaruntaasi laga dhisayo si wada jir ah u dhagax dhigay Guddoomiyaha shirkadda Oomaar Maxamed Cali Muxumed, Wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (saajin), iyo maareeyaha shirkadda National Oil company.

Haamahan kaydka shidaallada kala duwan ee ay yeelanayso shirkadda Oomaar ayaa qorshuhu yahay in ay qaadi doonaan mug gaadhaya in ka badan 230,000 oo mitri qubic, oo shidaal ah, Iyadoo uu wejiga hore noqon doono ilaa 100,000 oo mitric qubic, oo noocyada kala duwan ee shidaalka ah, kuwaas oo isugu jira Naafto, petrol, gaasta Cuntada, iyo Saliidda cuntada lagu karsado ee loo yaqaano LPG, sida uu sheegay Guddoomiyaha guud ee shirkadda Oomaar Maxamed Cali Muxumed “Halkan waxaynu iskugu nimid dhagax-dhigga Ternimal-ka ‘National Oil Ternimal’ taasi oo ah Shirkad maalgelinaysa Ternimaal Shidaalka ah (Kaydka shidaalka ah) iyo Kaydka Saliidda Cuntada ah, qaybta koowaad ee Shidaalka ahi waxay ka koobnaanaysaa Naafto, Pertol, iyo Gaasta Cuntada iyo qaybta labaad oo ah Saliidda Cuntada ah. Adduunka waxa ka taagan dhibaato weyn oo xagga Ganacsiga iyo xidhiidhka Caalamiga ah oo yareeyay kaydkii Qaranka, iyadoo taa laga duulayo Shirkadda ‘National Oil Company’ waxay Maalgelinaysaa kayd shidaal iyo kayd Saliidda Cuntada ah oo Dalka ku fillaan kara muddo aan ka yarayn Sannad, taasoo lagaga bixi doono baahida aan  qabno…”

Maamulaha Shirkadda Oomaar ee Gobolka Saaxil oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “National Oil Company’ waa shirkad gaar loo leeyahay, taasi oo laban-laabi doonta kaydka Shidaalka Qaranka Somaliland, waxaanu ku rejo weynahay inay si dhakhso ah shaqada u bilaabi doonto, diyaarina doonto kayd weyn..”

Maamulaha Haamaha Kaydka shidaalka ee Berbera oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Haddaanu nahay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, waxaanu ku faraxsanahay in la hirgelinayo Kayd Shidaal oo aanu tartan..”

Munaasibaddan oo ay sidoo kale ka hadleen Ganacsato, Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo Xubno ka mid ah Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera, ayaa waxa isaguna gebogabadii ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin), waxaanu uga Mahad-celiyay shirkadda Oomaar kaydkan Shidaalka iyo Saliidda ee ay hirgelinayso, waxaanu yidhi “”Way ku mahad san yihiin Oomaar group, iyo shirkadda National Oil Company, kaydka Saliidda ee ay samaynayaan oo aad muhiim u ah, qaranka ayaa u baahan mashruucan horumarineed.

Baahida loo qabo terminalka noocan ah waa muhiim. Weel aan wax ku kaydsano ayaynu samaysanay. Baahideenna oo keliya ma daboolayso, balse dalalka jaarkuna way ka faa’iidaysanayaan kaydkan saliidda.”

 

Leave a Reply