Mooshinka Golaha Wakiiladu Wuxuu Khilaafsan yahay DASTUURKA Dalka” Xildhibaan Mustafe

0
210

Hargeysa- Xildhibaan sharciyaqaan . Mustafe Maxamed Xaaji Daahir ayaa sheegay inaanu sharciyadda waafaqsanayn Mooshinka ay soo gudbiyeen dhawaan Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladu oo nuxurkiisu ahaa “In aan dib loogu soo celin karin Golaha Wakiilada Masuuliyiinta Ansixi waaya ee gaadhi waaya codkii loo baahnaa inay ku Ansaxaan amaba cod ay ku diidaan”.

Xildhibaan Mustafe oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida oo hore u ahaa sharciyaqaanka Golaha Wakiiladda ayaa qoraal uu soo saaray xalay oo wargeysyadda Dawan iyo Hubaal soo gaadhay wuxuu u dhignaa sidan;

Mooshinkan ay soo gudbiyeen dhawaan Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladu oo nuxurkiisu ahaa “In aan dib loogu soo celin karin Golaha Wakiilada Masuuliyiinta Ansixi waaya ee gaadhi waaya codkii loo baahnaa inay ku Ansaxaan amaba cod ay ku diidaan” iyagoo mooshinkaas u cuskaday sida ay tilmaameen Xeerhoosaadka Golaha Qodobada 43aad iyo 42aad ka dibna loo gudbiyay Lataliyaha Sharciga ee Golaha.

Xildhibaan Mustafe ayaa qoraalkiisa raaciyey inkastoo wali Goluhu Wakiiladdu aanu go,aan rasmi ah ka soo saarin, laakiin, mudooyinkii u dambeeyey waxa golayaasha Xeer-dejinta Baarlamanka [Guurti iyo Wakiiladaba] ugub ku ah in Golaha laga akhriyo Mooshin mabdi’iyan & nuxur ahaan si toos ah u khilaafsan oo gaf ku ah Dastuurka dalka.

Mooshinkani sida ay u dhigeen waxuu laalayaa xuquuq iyo awood dastuuri ah oo uu leeyahay Madaxwaynaha hadba xilka haya…oo ah in “Go’aamada ka soo baxa Golayaasha  Xeerdejinta uu sidooda ku ogolaan karo ka dibna faafinta Rasmiga ah ku soo saaro amaba uu dib ugu soo celin karo isaga oo sababaynaya. Haddii uu sababaha uu Madaxweynuhu cuskaday Goluhu ku qanci waayo, oo uu mar-labaad ku ansixiyo aqlabiyad 2/3 (saddex-meelood laba) oo u dhiganta 54 xubnaha Golaha, Wuu ku qasban yahay Madaxwaynuhu inuu Aqbalo sidaa ku dhaqan galiyo [Tixraac Dastuurka Qod. 77].

Sidaa daraadeed, Mooshinkani waxba kama badalayo awood Dastuuri ah oo xaq u siinaysa Madaxwaynaha in uu Dib ugu soo celiyo go’aan kasta oo Golaha Wakiiladu cod ku ansixiyo ama ku diido taasi oo ka dhigan in Madaxwaynuhu xubnihii komishanka ee aan gaadhin codkii loo baahnaa uu dib u soo magacaabi karo ama xubno cusub keeni karo, waana sharci wax u diidayaa ma jiraan.

Xildhibaan Mustafe oo ah Gudoomiye-xigeenka Guddiga shuruucda ee Golaha Guurtida ayaa sheegay in Golaha Wakiiladu Dastuurku wuxu farayaa inay waajibkooda ka gutaan sida shuruucda dalku tahay, waxaanay ku maquunin karaan ama ku hor istaagi karaan inaan markale lagu soo celin xubno ay ansixintooda codadkii aqlabiyada xildhibaanada waayey,  aqlabiyad culus oo gaadhaysa 54 cod iyo wixii ka badan ah.

Shaqciyaqaan Mustafe ayaa uugu baaqay xildhibaanada golaha Wakiiladda inaanay wixii sharci ah u raacin fikir iyo aragti sidaasay ku wanaagsan tahay, maadama waxay ku shaqeeyaan ee waajibaadkooda u raacaan yahay xeyndaabka shuruucda dalka.

Leave a Reply