“Tudhaale la, aan ayaa ka Muuqata Dhallinyarada Goleyaasha soo Gashay,”.Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka

0
259

Hargeysa( Dawan)Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa sheegay in tudhaale la,aani ay ka muuqato Dhallinyarada soo gashay Golaha Wakiilada.

Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa  intaa ku daray in looga baahanyahay Dhallinyarada Goleyaasha ku cusub iyo kuwa Xisbiyadda ku jira in ay dulqaad yeeshaan,waxaanu tilmaamay in aanay qaranka dhaqayn in magac iyo xil ay ku helaan.

Wasiirka oo Arimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi”Waxa aad moodaa in Dhallinyarada Goleyaasha soo gashay iyo kuwa Xisbiyadda ku jira aad ayaa loo xamanayaa,waxa aad moodaa in Dhallinyaranimadii noqotay in qofkii degdeg magac ku helo oo  caan ku noqdo. taasina aanay qaranka dan u ahayn tudhaale la, aan farobadan ayaana ka muuqata dhallinyarada Golayaasha ku jira,”.

Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka ayaa  sheegay in dadka 60 ka waawayn ay dalka dhiseen una soo halgameen.Waxaanu yidhi”Dalkan waxa  dhisay dadka 60 ka waawayn oo usoo halgamay oo nabada dhisay iyo Dawladnimada dhisay,waxaana looga baahanyahay dhallinyarada in samir iyo dulqaad ay yeeshaan. Qarankana dhiqi mayso in Dhallinyarada degdeg in magac iyo xil ku helaan.masuuliyadda Dhallinyaronimo ee ay leeyihiin waa in ay qaataan”

Leave a Reply