Chelsea oo Barca u Sheegtay Halka Waddo ee ay ku Heli Karto Saxeexa Cesar Azpilicueta

0
191

Kooxda chelsea ayaa Barcelona u sheegtay in ayna ka iibin doonin xiddiga difaaca ka ciyaara ee Cesar Azpilicueta ilaa inta ay badalkiisa la soo saxeexanayso.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda chelsea.

Tuchel ayaa doonaya in uu sii haysto xiddiga laakiin heshiiskiisa dhacaya ayaa dhibaato ku ah Blues maadama ay xor ku waayi karto xiddiga.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khabiirka si ay ugu xoojiso difaaca iyada oo Xavi doonayo in uu xiddiga ku xoojiyo kooxdiisa.

Laakiin Chelsea ayaa u sheegtay Barcelona in ayna iibin doonin xiddiga ilaa inta ay helayso bedelkiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, chelsea ayaa diyaar u ah in ay Azpilicueta U diido ku biiristiisa Barcelona ilaa inta ay la soo saxiixanayso bedelkiisa.

Leave a Reply