Barca oo ku Dhawaaqday Heshiiska Xiddigii ugu Weynaa ee ay la Saxeexato Xagaagan

0
245

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay, in ay heshiis buuxa la gaadhay Leeds United oo ay kala soo wareegtay xiddiga reer Brazil ee Raphinha oo noqonaya saxeexii ugu weynaa ee ay samayso kooxda reer Spain xagaagan.

Raphinha ayaa ahaa ciyaartoyga loogu doonista badan yahay suuqan, waxaana ku dagaallamay kooxo badan oo ay ka mid ahaayeen Arsenal, Tottenham iyo Chelsea, balse waxa ku guuleysatay Barcelona oo la gaadhay heshiis  shan sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2027.

Xiddiga reer Brazil ayaa hadda ku sugan magaalada Barcelona oo uu tijaabada caafimaadka ku maray, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo uu ugu ciyaari doono kooxda uu ku riyoonayay ee Barcelona.

25 jirkan ayaa iska diiday Chelsea oo gudbisay dalab la mid ah midka Barcelona, waxaanay isaga iyo wakiilkiisa oo ah halyeygii Barcelona ee Deco ay ka shaqeeyeen sidii uu ku tegi lahaa Camp Nou.

Barcelona ayaa bixisay lacag dhan €58 milyan oo Gini oo kaash ah iyo €9 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhan bandhig-ciyaareedkiisa oo ay dib ka ka bixin doonto.

Leeds United ayaa ogolaatay dalabka Barcelona, waxaana qoraal kooban oo ay hadda Barcelona soo saartay ay ku sheegay inay heshiis la gaadhay Raphinha oo uu si toos ah ugu biiri doono ciyaartoydeeda u safraya waddanka Maraykanka.

Raphinha ayaa noqonaya saxeexii saddexaad ee ay Barcelona samayso xagaagan, waxaana ka horreeyey Frenck Kessie oo ahaa halbowlihii AC Milan ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalka Serie A oo ay toban sannadood ka qatanayd iyo difaacii Chelsea ee Andreas Christensen, waxaana labadan ciyaartoy oo si xor ah ugu soo wareegay Camp Nou ay Barcelona warbaahinta usoo bandhigtay toddobaadkii hore.

Barcelona ayaan wali ka bixin suuqa iibka ciyaartoyda, waxaana lala xidhiidhinayaa difaaca Napoli iyo xulka qaranka Senegal ee Koulibaly iyo sidoo kale weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Leave a Reply