Isbeddelka uu Lewandowski ku Sameeyey Liiska Mushaharka Ciyaartoyda Horyaalka Spain ee La Liga

0
399

Barcelona ayaa Sabtidii shaacisay heshiis ay la gaadhay Bayern Munich oo ay kala soo wareegtay weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo shalay soo gaadhay Spain oo uu tijaabada caafimaadka ku marayo.

Kooxda reer Spain ayaa bixinaysa £42.5 milyan oo Gini, waxaanu Lewandowski saxeexi doonaa heshiis saddex sannadood ah oo uu la socdo sannad kale oo afraad oo dookh ah oo loo kordhin karo marka uu waqtigiisa dhamaysto, waase haddii ay Barcelona ku qanacdo.

Marka uu tijaabada  caafimaadka ka gudbo ayuu u duuli doonaa waddanka Maraykanka oo uu kula midoobi doono ciyaartoyda kooxdiisa cusub ee Barcelona oo iyaguna shalay u duulay USA.

Qoraal uu bartiisa bulshada ku daabacay markii heshiiskiia ay laabada kooxood ee Barcelona iyo Bayern Munich ku dhawaaqeen ayuu ku yidhi: “Siddeeddii sannadood ee aan joogay halkan waxay ahaayeen kuwo cajiib ah oo aan la illoobi karayn. Waqti fiican ayaan ku qaatay Munich. Si degdeg ah ayaan u duuli doonaa, laakiin marka aan tababarka kasoo laabto ayaan kusoo noqon doonaa Munich oo aan si wanaagsan oo habaysan u macasalaamayn doonaa.

“Maanta [shalay] ayaan ciyaartoyda garoonka ku macasalaamayay, kamana aanan walwalayn in aan garoonka tababarka ku dhaawacmo, guriga ayaabay wax iigu dhici karaan. Waxa aan doonayaa in aan sii wado sidii aan taam u ahaan lahaa, waxaanan la tababartay ciyaartoyda.”

Robert Lewandowski ayaa waxa uu Bayern Munich mushahar uga qaadan jiray lacag gaadhaysa €23 milyan oo Euro, hase yeeshee Barcelona ayuu ka ogolaatay in kaliya €17.6 milyan oo Euro uu mushahar ahaan uga qaato, taas oo toddobaadkii noqonaysa €336,000 Euro.

33 jirkan ayaa hoos u dhigay €5.4 milyan oo Gini oo ah mushaharkii uu ka qaadan jiray Bayern Munich, waxaana uu sidaa ku noqonayaa ciyaartoyga tobnaad ee ugu mushaharka badan horyaalka LaLiga.

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa ah laacibka ugu mushaharka badan guud ahaan horyaalka LaLiga, waxaanu sannadkii qaataa €30 milyan oo Gini, halka Karim Benzema oo labaad ku jiraana uu u xaadiro €24 milyan oo milyan oo Euro.

Waa kuwan tobanka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka LaLiga

  1. Robert Lewandowski – €17.6M – sannadkii
  2. Luka Modric – €20m – sannadkii
  3. David Alaba – €20m – sannadkii
  4. Jan Oblak – €20m-per-year
  5. Jordi Alba – €20m – sannadkii
  6. Antoine Griezmann – €20m – sannadkii
  7. Toni Kroos – €22m – sannadkii
  8. Sergio Busquets – €23m – sannadkii
  9. Karim Benzema – €24m – sannadkii
  10. Eden Hazard – €30m – sannadkii

Waa Kuwan SHANTA Kooxood Ee Sida Lama Filaanka Ah Heshiiska Robert Lewandowski Lacagta Uga Helaya

July 17, 2022 Apdihakem Omer Adam

Leave a Reply