Shan Kooxood oo si lama Filaan ah Heshiiska Robert Lewandowski Lacag uga Helaya

0
305

Weeraryahanka ree Poland ee Robert Lewandowski ayaa ka hayaamaya kooxdii uu siddeeda sano usoo ciyaarayay ee Bayern Munich isaga oo waayo cusub ka bilaabanaya Barcelona.

Heshiiskaasi ayaa sababi doona inay 2 Milyan oo euro oo lacagta lagula kala wareegayo kamid ah heli doonaan shanta kooxood ee kala ah Legia Warsaw, Lech Poznan, Znicz Pruszkow, Delta Warsaw iyo Academy Warsaw.

Barcelona ayaa kula wareegaysa Robert heshiis 45 Milyan oo euro oo rasmi ah iyo 5 Milyan oo euro oo gunnooyin ah waana lacagta ay doorka ka helayaan shantaas kooxood.

Labada Milyan ee euros ee ay shanta kooxood ee Polish-ka ahi qaybsan doonaan ayaa ah mid ay ku helayaan sharciga FIFA ee xuquuqda tababarka kaas oo abaalmarinaya kooxaha uu ugu horreyn isaga oo yar ciyaaryahanku usoo ciyaaray.

Sidaas darteed heshiiska uu 33 sano jirkaasi ugu wareegayo Barca ayaa ah mid ka farxinaya kooxo badan oo waliba lacagta 2-da Milyan ee euros ee loo qaybinayaa ay iyaga wax weyn uga dhigan tahay.

Sida ay shanta kooxood lacagta u kala helayaan

Legia : 250k€

Lech : 500k€

Znicz Pruszkow : 500k€

(D3 ) Delta Warszawa : 125k€

(D7 ) Varsovia : 625k€ (club formateur/académie)

Leave a Reply