Kooxda Chelsea oo soo Xero-gashatay Xidig Arsenal Muhiim u ahaa

0
246

Chelsea ayaa da’yar mustaqbal wanaagsan leh kasoo qaadatay dhigeeda Arsenal iyadoo si bilaash ah kaga heshay xiddiga garabka weerar ee Omeri Hutchinson.

Hutchinson ayaa waayihiisa ciyaareed isaga oo aad u yar ka bilaabay Chelsea balse waxa mardambe la saxeexatay kooxda Charlton kahor inta uusan Arsenal ku biirin 2012.

Omeri oo 12 sano jir ah ayaa amaan ka helay halyeeyga ree Brazil ee Pele kaddib markii uu wacdarro ka dhigay tartan uu soo abaabulay halyeeygaasi.

Hutchinson ayaa haatan ku laabanaya Stamford Bridge kaddib markii uu mudo sanad iyo badh ah kaliya kursiga keydka soo fadhiisanayay ee uu fursad ka waayay kooxda koowaad ee Gunners.

18 sano jirkaas ayaa Premier League 2 xilli ciyaareedkii hore bandhigyo wanaagsan kasoo sameeyay isagoo ka caawiyay Arsenal inay booska saddexaad ku dhammaysato.

Sidoo kale Omari ayaa dhawaan sidoo kale kasoo muuqday xulka qaranka Jamaica ee uu asal ahaan kasoo jeedo kaddib markii uu heerarka hoose ku metelay England.

 

Leave a Reply