Leipzig oo Dalbatay in kagu Celiyo Ciyaartii ay Liverpool ku Xasuuqday ee uu Darwin Nunez Afarta Gool ka Dhaliyey

0
310

Kooxda kubadda cagta RB Leipzig ayaa dalbatay in lagu celiyo ciyaartiii saaxiibtinimo ee xalay ay Liveprool sida xun ugu karbaashtay, taas oo afar gool uu kadhaliyey Darin Nunez.

Weeraryahanka reer Uruguay oo 45 daqiiqadood oo kaliyta ku jiray garoonka ayaa dhaliyey afar gool, isaga oo la guddoonsiiyey abaal-marintii xiddiga garoonka.

Liverpool oo guushoodii ugu weynayd ee kulamada saaxiibtinimo ay xalay u ahayd, waxa Darwin Nunez uu natiijada gaadhsiiyey 5-0 isaga oo beddel kusoo galay, waxaana gool lixaad ku daray Mohamed Salah.

Tababare Jurgen Klopp oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa si weyn u amaanay Darwin Nunez iyo saamaynta uu ku yeeshay ciyaartii xalay, kaddib laba kulan oo uu beddel kusoo galay oo uu fursado khasaariyey.

“Mar walba waxaynu u malaynaa, in haddii aad lacag badan ku bixiso ciyaartoyda, in aanay dareemayn cadaadis ama wax kale. Dhamaantood waa caadi, waa binu-aadam, taabashada ugu horreysaana ma sxsanaato laakiin si degdeg ah ayay wax isku beddelaan.” Ayuu yidhi Klopp.

Waxa uu intaa ku daray: “Ciyaartoyda jiilkani waxay akhriyaan braha bulshada, mana aha arrin fiican, laakiin way sameeyaan.”

Waxa uu intaa kaddib soo qaaday saamaynta Darwin Nunez oo uu sheegay inay ahayd mid weyn kulankii xalay, laakiin ay tahay bilo oo ay intaas iyo wax kasii badan ka filayaan, maadaama uu yahay ciyaartoy ay horeba u ogaayeen kartidiisa iyo waxqabadkiisa.

Sida uu qoray wargeyska Liverpool Echo, RB Leipzig ayaa kaddib guul-darrada xalay loo xambaariyey waxay dalbatay in lagu celiyo ciyaarta, waxaanay ku doodeen in ay natiijadu sidan ka beddelnaan lahaa oo uu gaaday Darwin Nunez xilli ay iska celiyeen xiddigaha kale ee Liverpool.

Codsigan oo lagu tilmaamay inuu ahaa kaftan ay samaynaysay RB Leipzig, ayay warbaahinta Ingiriisku gellinkan dambe ee maanta cinwaano ka dhigteen.

 

Leave a Reply