Chelsea oo Xaqiijisay inay Dhamaystirtay Saxeexeedii 3-aad ee Suuqa Xagaaga

0
266

Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah u shaacisay in ay dhamaystirtay saxeexa Gool-haye Gabriel Slonina kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Chicago Fire.

Chelsea ayaa xiddiga 18 jirka ah ka saxeexatay heshiis wakhti fog ah iyaga oo ka dhigay saxeexoodii 3-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Blues ayaa sidoo kale xaqiijisay in Goolhaye Gabriel Slonina uu qaab amaah ah ugu laaban doono kooxda Chicago Fire ka hor inta uuna xagaaga dambe ku soo laaban.

Chelsea ayaa saxeexa Gabriel Slonina ku garaacday kooxda Real madrid kuwaas oo doonayay saxeexa Gool-hayaha da’yarka ah ee aadka loo qiimeeyo.

Leave a Reply