Urur Siyaasadeed Cusub oo lagaga Dhawaaqay Hargeysa

0
457

Hargaysa (Dawan) Siyaasiga Caanka Ibraahim Mahdi Buubaa iyo aqoonyahano ayaa shalay kaga dhawaaqay Huteelka Adams ee Magaalada Hargeysa Urur Siyaasadeedka Talowadaag.
Munaasibad lagaga dhawaaqayay Urur Siyaasadeedka Talowadaag ayaa waxa ka soo qayb galay Siyaasiga Xildhibaan hore Ibraahim Mahdi Buubaa Xildhiboono ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Salaxlay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Galool Nuuradiin Diini Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shaqaaalaha Ibraahim awAadan Qoobay Haween Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha ku Meelgaadhka Urur Siyaasadeedka Talowadaag Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadal ka jeediyay Munaasibadan lagu shaacinayay ururkan ayaa waxa uu sheegay Ujeedada loo sameeyay.Waxaana uu yidhi”Ujeeda Ururka Talowadaag loo aasaasay waxa weeye in laga laga wada tashado waxa Umadda tadteedu ku jirto,Waxa aan Hambalyaynayaa Dhalinyarada ka soo qayb gashay xafladan lagu shaacinayo Ururka Talowadaag,oo muujinaysa Ururka talowadaag in uu ka duwan yahay ururadii hore madaama dadka ka soo qayb galay xafladan yihiin boqol kiiba toddobaatan yihiin dhalinyaro,Siyaasada ururka Talowadaag taa tahay Ururkan magaca Ururka waxa bixiayay Dhalinyaro aqoonyahana, xisbiyadda waxa aynu u furanay in aynu qaybyaalada kaga baxno ee umaynaan furan in ay qayb yaalada kobciyaan,”.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shaqaaalaha Ibraahim awAadan Qoobay oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in Xeer jideeyay in tobankii sannaba mar la furo Ururada Siyaasada.Waxaana uu yidhi”Arinta Ururada Siyaaada xeer ayaa jideeyay Maxkamadda sarre waxa ay fasaxday qaabka loo galayo Doorashadooda oo ah in ay noqoto Doorasho toosa,in Ururada Siyaasada la furo tobankii sannadoodba mar la furo Xeer ayaa ayay ku qoran tahay,”.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Galool Nuuradiin Diini oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu soo dhaweeyay ku dhawaaqista Urur Siyaasadeedka Talowadaag.Waxaana uu yidhi”Waa wax aad u qiimo badan in la garab istaago Ibraahim Mahdi Buubaa,waxaana uu ka soo jeedaa dadkii taariikhda lahaa ee la garanayay waxaana aanu kugu dhiirigalinaynaa aragtidaa aad keentay ee Ururka Talowadaag,”.
Sidoo kale Siyaasiyiin Haween Dhalinyaro oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa ay soo dhaweeyeen ku dhawaaqista Urur Siyaasadeedka Talowadaag.

Leave a Reply