Cuqaasha Maroodi-jeex oo ka Digay Mudaharaadyo

0
238

Hargeysa (Dawan) Cuqaasha Gobalka Maroodijeex ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada in aanay aqbalin Mudaharaadkii ay ku dhawaaqeen Xisbiyadda Mucaaradka ee Waddani iyo UCID.

Cuquusha Gobalka Maroodijeex oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay cidna ka ogolanaan in ay ka samayso Magaalada Hargeysa Mudaharaad rabshado wata oo wax loogu dhimayo Nabedgalyada.

Caaqil Halac ayaa waxa uu sheegay in aanay cidina Mudaharaad ka samayn karin Magaalada Hargeysa.Waxaana uu yidhi “Anaga ayaa leh Hargeysa Mudahraad ka dhici maayo waa midhadh,Walaahi in aanu Hargeysa mudaharaad ka dhacan , cid is dhaqaajin kartaa ma jirto Madaxweynaha saddex sanno ayaa loo kordhinayaa,”.

Caaqil Cabdiqadir Jaamac Cawaale ayaa isaguna waxa uu sheegay in Muhadaraadku khasaare uun uu keeno.Waxaana uu yidhi.”Waxaan leenahay mar hore ayuu mudaharaad dhacay Hargeysa khasaare ayaana ka dhashay waxa aan leeyahay kii horaba laguma faa,iidin,mudaharaadka dad keenu mayaqaano,”.

Sidoo kale Caaqil Khadar Bacood oo hadal isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in aanay cidna looga baqan in ay wax yeesho nabada.Waxaana uu yidhi”Nabada Somaliland cidina u baqi mayso waa dal 32 sanno jiray nabada aynu wada ilaashano waayo waa wax cid waliba u baahantahay Mucaarad iyo Muxaafadba,”.

 

 

Leave a Reply