Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL oo Qaabilay Wefti Milateri ah iyo Itoobiya oo ka Hadashay

0
365

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo shalay xafiiskiisa ku qaabiley waftigii ka socday ciidanka Fedraalka Itoobiya, iyada ooo Wasaaradda Gaashaandhiga Itoobiya oo arrintaasi ka hadashayna ay sheegtay in lagaga wada hadlay arrimaha ammaanka iyo nabadgelyadda Gobolka.

Wefdigan oo uu hor-kacayey Madaxa Wardoonka General Burhanu kebede, iyo saraakiil kale oo milateriga Itoobiya ah ayaa la sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amni ee labada dalka ee Somaliland iyo Itoobiya.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil oo soo dhaweyn ugu sameeyey waftiga ka socda Itoobiya, xafiiskiisa ayaa ka waramay muhiimada iskaashiga labada dal. Sidoo kale Madaxa Sirdoonka Ciidamada Federaalka Itoobiya Sarreeye Guuto Burhanu Bekele oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loogu sameeyey Somaliland, isagoo balan-qaaday in dawlad ahaan ay sii xoojin doonaan iskaashiga labada wadan. Taliye Nuux ayaa gudoonsiiyey bilad Sharaf madaxa wefdiga Itoobiyaanka.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhiga Itoobiya oo ka hadashay socdaalka Wefdiga Ciidamada ee Somaliland ayaa sheegtay in lagaga wada hadlay arrimaha amaanka iyo nabadgelyadda gobolka.

Qoraal shalay lagu baahiyey barta rasmiga ee Wasaarada Gaashaandhiga Itoobiya ayaa lagu sheegay in kulamo uu yeeshay lagaga wada hadlay iskaashiga muhiim ah inay Somaliland iyo itoobiya ka wada yeeshaan gobolka Geeska Afrika.

 

 

Leave a Reply