Machadka Shaqaalaha oo Marti-qaaday Arday Qalin-jabisay

0
315

Hargeysa (Dawan)- Machadka shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa marti qaad casho sharaf ah ugu sameeyay Hoteel Baraar ee magaalada Hargeysa ardayda ka qalinjabisay dufcadii koobad ee ay iska kaashadeen Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda Somailand Jaamacadda Jigjiga University.

Sidoo kale waxa xafladdaasi casho sharafta ah waxa kale oo ardaydii dhammaystay loogu soo xidhay waxbarashada jamacada heerka labaad iyo soo xidhitaanka CSI/GIMPA ee tababarada korasyada gaagaban.

Sidoo kale, waxa laguso bandhigay xafladaa cilmi baadhisyo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda ee xaruunta Hargeysa iyo Burco; waxaa kale oo lagu sagootinayay Shaqaalihii ku soo baxay 15kii boos ee deeqda waxbarasho ee ay Somaliland siiso jamacada dalka Ethiopia Civil Servants Universit.

Maamulka Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda Somaliland mudane Cumar Iid Qaloombi ayaa munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa madaxda iyo masuuliyiinta ka socota labada jaamacadood ee dalka Itoobiya ee halkan inagala soo qayb galay. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa ardayda dhammaystay waxbarashada jaamacadda heerka labaad ee aanu iska kaashanaynay jaamacadad Jigjiga University kuwaasi oo muddo laba sanno ah soo waday, kaas oo ah barnaamijkii koobaad ee ay iska kaashanayaan machadka shaqaalaha Dawladda Somaliland iyo jaamacad kale iska kaashanayaan, kaas oo ay arday reer Somaliland ahi kaga qalinjabiso Hargeysa.

Mudane Cumar Iid Qaloombi waxa kale oo uu u mahad naqay Jaamacadda Qimba ee dalka Ghana waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan u mahad naqayaa masuuliyiinta iyo madaxda ka socota Qimba iyo dhamaan masuuliyiinta ka socda dalka Ghana kuwaasi oo muddaba dalka u joogay bixinta tababaro gaagaaban oo ay iska kaashanayeen machadka hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland iyo bangiga adduunku.”

 

 

 

 

Leave a Reply