Harada Boqortooyada Dumarka

0
397

Caadooyinka Bulshooyinka ayaa aad u kala duwan , dalka Shiinaha qabiilada lagu magacaabo Mosuo oo degan harada Lugu Lake ee koonfurta Shiinaha ayaa leh caado iyo dhaqan ay mudo dheer adeegsanayeen.  Qabiiladan ayay gabadhu tahay tan arimaha oo dhan goysa. Gabadha ayaa  looga danbeeyo arimaha siyaasadda, xukunka, sharciga iyo akhlaaqda bulshada. Ragga   qabiiladan ayaan wax faro gelin ah ku lahayn arimhaasi.

Looma ogola raggu inay guryaha kula noolaadaan dumarka waxa keliya ee loo ogol yahay inay habeenkii soo booqdaan. Ragga ayaa ah kuwo la xaqiro iyadoo luqadda qabiiladan aanay ku jirin xataa kelmadda Aabo.   Qabiiladan oo ka kooban 50 kun oo qof ayay gabadhu tahay tan keliya ee qoyska xukunka u haysa, hadii ay dhimato hooyada qoysku dhamaan xoolaha iyo maamulku wuxu ku wareegaa hablaha ay dhashay ragguna waxba kuma laha dhaxalka. Qabiiladan macno weyn kuma laha guurku waxa keliya ee ninku rabaana waa inuu caruur dhalo.

 

 

 

 

Leave a Reply