Wasiirka xannaanada xoolaha oo Daahfuray xarunta cilmibaadhista iyo horumarinta xoolaha

0
265

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo hurumarinta kalluumeysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa maanta si rasmiya magaalada Hargeysa uga daahfuray xarunta cilmibaadhista iyo horumarinta xoolaha, taas oo laga hirgeliyay Banka Aroori.

Wasiir Siciid Sulub waxa uu sheegay in Bankaasi uu badbaadiyay nolosha afar kunoo qoys xilligii abaarta ee sannadkan, isagoo intaas ku daray in

Bankaas ay ku badbaadeen xoola dhan sideed boqol oo kun oo nee foo adhiya, kob iyo labatan kun oo nee foo geela, iyo afar boqol oo nee foo lo ah, xoolahaas oo ka soo hayaamay gobolka sanaag ay ka heleen baad iyo biyo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ka wasaarad ahaan ay go’aansadeen in Seeraha Aroori laga dhigo xarunta cilmibaadhista iyo horumarinta xoolaha si loo xoojiyo sidii xooluhu u heli lahaayeen baad iyo biyo ku filan.

Ugu danayn wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Siciid Sulub, wuxu tilmaamay in mashruucan laga maalgeliyay wajiga labaad ee Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, isaga oo intaas raaciyay in uu dawladda Somaliland ka caawinayo inay maalgalin ku sameyso kaabayaasheeda dhinaca dhaqaalaha.

 

 

Leave a Reply