Tirada Urur-siyaasadeedyada Bixiyey Lacagta Cashuurta ku Waajibtay

0
507

Marxalada ay marayso doorashada Ururrada siyaasadda JSL

 Hargeysa (Dawan)- Somaliland, doorashada Ururrada siyaasadda ayaa u jihaysatay xaalad dar-dar leh oo loogu diyaar-garowbayo qabsoomideeda, marka la eeggo talaabooyinka ay qaadeen qaar kamida ururrada cusub ee lagu dhawaaqay labadii bilood ee u dambeeyey oo ay tiradoodu kor u dhaaftay labaatan.

Waxa is-barbar socday hawsha diwaangelinta ururrada cusub oo ay gacanta ku hayaan guddida qaran ee u xilsaaran iyo munaasibadaha u gaarka ah ururrada cusub oo u qaybsan qaar hadda shaacintoodu socoto, kuwo qabsanaya shirarkoodii ay ku dhisayeen qaab-dhismeedkooda, ururro u gudbay marxalada bixinta lacagta cashuurta ee xeerku ku waajibiyey iyo qaar bilaabay dhaqdhaqaaq ay gobolada waaweyn ee dalka kaga abaabulayaan taageerayaal, iyadoo guddida diwaangelinta ururraduna 31 bishii Jully shaaciyeen in hawsha diwaangelintu xidhmayso 10/08/2022 oo ku beegan maalin Arbaco ah.

Dhamaan talaabooyinkaasi waxay tilmaan buuxda ka bixinayaan in hore loogu socday xaqiijinta doorasho cod iyo qof ah oo billaha soo socda lagu dooran doono saddexda xisbi qaran ee ku loollami doona doorashooyinka tobanka sannadood ee soo socda.

Marxalada hadda hawsha ururradu marayso, ayaa ah in ay shan urur-siyaasaddeed shubeen ama ay bixiyeen lacagta cashuurta ah ee uu xeerku ku waajibiyey, taasoo uu caddadkeedu dhan yahay 156,825000 Shillin (boqol iyo lix iyo konton Milyan, sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun shillin).

Sida ay Wargeyska Dawan u xaqiijiyeen saraakiisha xafiiska Cashuuraha beriga magaalada Hargeysa, Ururrada lacagta bixiyey ayaa kala sidan soo socota:

Ururka BARWAAQO

Ururka WAABERI

Ururka KAAH

Ururka MIDEEYE

Ururka REJO

Lacagta ayaan ah mid uu jideeyey Xeerka furista ururrada-siyaasadda ee Xeerlr14/2011, waajibna ku ah in urur kasta oo ka qaybgalaya doorashada tooska ah ee ururradu uu bixiyo, iyadoo lagu bixinayo shuruudo ay kamid tahay in nidaamka lacag bixinta lagu muujiyo wada-lahaanshiyaha aasaaseyaasha ururka iyo sida ay qaadhaanka u wada leeyihiin.

Hogaanka aasaaseyaasha ururka REJO oo warfidiyeenka kula hadlay afaafka hore ee xafiiska cashuuraha beriga Isniintii todobaadkan, ayaa sheegay inay u tahay maalin farxaddeed oo ay ka gudbeen mid kamida jaranjarooyinka ay marayaan ururradu inta aanay gelin doorashada.

Geesta kale, waxa ay todobaadkan bilaabeen ururradu shirweyneyaasha ay ku dooranayaan hogaankooda ku meel-gaadhka ah, taasoo iyaduna ah talaabo kale oo ay ku hinjinayaan gaadhista doorashada tooska ah ee ururrada.

Arrimahan, waxay soo yaraynayaan rejada iyo midho-dhalka doodda khilaafka gelisay Doorashooyinka ay ee asxaabta mucaaridku ku doonayaan in laga hor-mariyo Doorashada madaxtooyada, waxaana iminka muuqata in culayska doorasho urur-doonku ka xoog iyo xamaasad badan tahay midda ay xisbiyada mucaaridku ku dhegsan yihiin.

 

 

Leave a Reply