Wasiirka arrimaha gudaha oo mucaaradka uga Digay mudaharaadka

0
316

Hargeysa (Dawan)  Xukuumadda Somaliland, ayaa markale xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay qabtaan mudaharaad aanay ogolaansho uga helin xukuumadda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in sharcigu uu xalaaleeyay in muwaadinku mudaharaadi karo, balse ay tahay in xeerka nidaamka dad waynaha loo raaco.

Waxaanu yidhi.”Dastuur keenu waxa uu sheegayaa in qofka muwaadinka ahi uu xaq u leeyahay in la doorto uu waxna doorto iyo in uu mudaharaado, in hadana qaabka mudaharaadka loo samaynayaa uu noqdo mid waafaqsan xeerka”.

Waxa uu sheegay in xeerku sheegayo in ciddii mudaharaad qabanaysa ay 3 cisho kahor kasoo codsanayso wasaaradda arrimaha gudaha, maamulka gobolka, isla markaana ay codsigooda ku xusayaan sababta mudaharaadka, tiradooda, kadibna loo fasaxayo oo booliisku ilaalinayo.

Wasiirka ayaa sheegay in masuuliyiin doonaya in ay umada maamulaan oo ay madaxweynayaal noqdaan aanay u haboonayn in ay abaabulaan mudaharaad aanay sharciga u marin, oo fawdo iyo nabadgalyo daro ka dhalan karto.

Waxaanu yidhi.”Mudaharaad ayna cidna u sheegin, oo hanjabaadi ku jirto, oo fawdo ku jirto, oo nabadgalyo daro ku jirto, ayaanu dhigaynaa, berritona waxaanu doonayna in aanu dalka madaxweynayaal ka noqono, labadaasi isma galayaan”.

Hadalka wasiirka ayaa noqonaya kii labaad ee uu mudaharaadka kaga digo laba cisho gudahood, isaga oo shalay la shiray madaxda ciidamada, maamulka gobolka Maroodijeex iyo ka caasimada Hargeysa, una sheegay in ay ka hortagaan mudaharaadka.

Hadaba, xisbiga KULMIYE ayaa xiligii uu mucaaradka ahaa ku caan ahaa in ay qabtaan mudaharaado rabshado wata oo aanay sharciga u marin, iyadoo marar badan ay dad ku dhinteen, hanti dowladeedna lagu gubay, isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha KULMIYE iyo booliiska.

Leave a Reply