Leeds oo Shaaca ka Qaaday Qaabkii ay Barca Saxeexa Raphinha ugaga Guuleysatay Chelsea

0
406

Mulkiilaha Leeds Andrea Radrizzani ayaa daaha ka qaaday inuu Chelsea kala heshiiyay saxeexa Raphinha ka hor inta aanay Barcelona xiddiga ku qancin inuu iyaga sugo.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu hadal haynta badan suuqa xagaagan iyada oo uu xiddigu ugu dambayn ku biiray kooxda Barcelona.

Chelsea ayaa ku dhawayd saxiixa xiddiga Raphinha kadib markii ay Leeds United kala heshiisay qiimaha xiddiga oo dhan 55 milyan oo euro si ay u helaan saxeexa xiddiga.

Laakiin Barcelona ayaa chelsea ku garaacday saxeexa xiddiga kadib markii uu xiddigu diiday in uu ku biiro kooxda chelsea isaga oo doortay ku biirista Barcelona.

“Leeds waxa ay saxeexa xiddiga kala heshiisay Chelsea, waxana aan siiyay balan-qaadkayga:ayuu Radrizzani u sheegay The Athletico.

“Waxa aan dareemay xishood in aan ka laabtay balantii aan la galay milkiilaha chelsea”.

“Waxa aan heshiis la gaadhnay chelsea sababta oo ah xiddiga ayaa doonayay in uu boxo waxana aan dhagaysanay dalabka chelsea”.

“Chelsea ayaa ugu cad-cadayd saxeexa xiddiga laakiin Nasiib xumo Barcelona ayaa xiddiga ku qancisay in uu sugo iyaga ilaa inta ay xalinayaan dhibaatadooda dhaqaale”ayuu sii raaciyay.

 

Leave a Reply