Gudoomiyaha Baanka dhexe oo Shahaadada PHD ee Falsafada la gudoonsiiyey

0
303

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Baanka dhexe Dr. Cali Cabdillahi Daahir ayaa la gudoonsiiyey shahaado sharafeed falsafada hogaaminta PHD.

Munaasibad khamiistii Guddoonka Baanka Somaliland, Agaasimayaasha Waaxyaha, Maamulayaasha laamaha Hargeysa, Kor-joogaha laamaha Galbeed, iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha Baanka soo abaabuleen ayaa ku maamuseen shahaadada la siiyey gudoomiyaha baanka dhexe.

Agaasimaha Cududa Shaqaalaha ee Baanka Dhexe oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay inay ku dedaalayaan sidii hawlwadeenadda baanka dhexe aqoontooda sare loogu qaadi lahaa.

Gudoomiyaha Baanka dhexe Mudane Cali Cabdillaahi Daahir oo ka waramayey waxyaabaha uu ku mutaystay Shahaadada PHD-da oo dhawaan la gudoonsiiyey ayaa sheegay in tahay dhiirigelin baanka dhexe, oo agaasime-waaxeedyada iyo hawlwadeenada ah.

Gudoomiye Cali ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay ku dedaalaan kordhinta aqoontooda, taasoo keeni doonta in dalkeenu horumar sameeyo.

jaamacada Mastermind Business School oo laga leeyahay Wadanka Ingiriiska oo kaashanaya Jaamacadda UAE iyo European Digital University oo Laga leeyahay wadanka Maraykanka ay qiimeyn dheer ka dib siiyeen “ Honorable Doctor of philosophy in leadership” PHD.

 

 

 

 

Leave a Reply