Madaxdeenna Aynu u Duceyno si ay Inoogu Wanaagsanaadaan”

0
244

Hargeysa (Dawan)- Maayirka caasimada Md. Cabdikariin Axmed Mooge ayaa bulshada ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan, dalkooda iyo madaxdoodana u duceeyaan.

Maayir mooge oo khamiistii ka hadlayey madal loogu magac-daray Barkulanka Ibnu Khalduun nabada Iyo Horumarka oo culimada iyo siyaasiyiinta dalka hadalo ka jeediyeen ayuu sheegay in qofku hadduu dhaliil u hayo madaxdiisa, ay wacan tahay inuu u duceeyo, halkii uu habaari lahaa, taasoo uu sheegay marka loo duceeyo madaxda uu ilaahay sw u wanaajin doono, isla markaana ay gudan doonaan amaanada ay dadka u hayaan.

“habaarka waxa ka horeeya inaad u duceyso, markaa ayuu ilaahay SW kuu wanaajinayaa. Markaa madaxdeena aynu u duceyno si ay inoogu wanaagsanaadaan

Waxuu sheegay in marka madaxda la leeyahay aanu u jeedin madaxweynaha, wasiirada maayirada, keliya balse qof kasta oo dad maamula uu madax yahay, loogana baahan yahay inuu guto masuuliyada uu hayo.

“Macalinka, siyaasiga, sheekha, qof kastoo dad maamula waa madax.

Maayir Cabdikariin ayaa bulshada uugu baaqay in kala shaqeeyaan horumarka ay ka wadaan caasimada hargeysa, isla markaana gacmaha la isuqabsado horumarka dalka, oo dalkeena aynu walaanimo, isjacayl iyo diin aynu ku dhisano.

 

 

 

Leave a Reply